Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Ciidamada Daraawiishta Galmudug oo Qarka Usaaran Caad iyo Hoobiyayaal...

Wararkii ugu Danbeeyey Ciidamada Daraawiishta Galmudug oo Qarka Usaaran Caad iyo Hoobiyayaal lagu garaacay….

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka, kuwa Daraawiishta Galmudug oo kaashanaya dadka deegaanka ay howlgallo ka sameeyeen deegaano ka dhacay koonfurta gobolkaasi.

Howlgalladan ayaa waxa barbar socday hoobiyeyaal ay ciidamada huwanta ku garaaceen goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab oo ku yaalla agagaarka deegaanka Caad ee Mudug.

Ilo dadka deegaanka ayaa innoo sheegay innoo sheegay in madaafiicdaas oo aad kuwa xoogan khasaare uu kasoo gaaray kooxda Al-Shabaab, ayna ka carareen halkaasi.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen inta ay baxsad ku jireen xubnaha Al-Shabaab uu la rogmaday gaari, isla markaana uu halkaasi kasoo gaaray khasaare kale oo xoogan.

Deegaanada ay ka baxeen dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa waxaa kamid ah Dhagax-dheer iyo Dahar-Cali xayloow, kuwaasi oo dhammaan hoostaga magaalada Caad ee gobolka Mudug, waxaana la wareegay ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.

Saraakiisha ciidamada oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in weli uu socdo howl-galka, isla markaana Shabaab-ka lagu baacsanayo dhulka howdka ah.

Maalin kahor ayay aheyd markii ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan Guutada 24-aad ee Khalid Binu-waliid ay howl-galo lagu guuleytay ka fuliyeen goobo kooxda si dhumaleysi ah ku joogtay, lana wareegeen deegaano cusub.

Degaanada kala ah Gacal-ugaas iyo Murcudka oo hoostaga degmada Ruun-nirgood ee Shabeellada Dhexe ayaa kooxda Al-Shabaab laga saaray.
Ad
Previous articleWar Deg Deg ah: mid ka mid ahaa murashixinta madaxweynaha Puntland oo ku geeryoodey shil gaari Xili uu Bandhig usocday
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Mucaaradka oo aqbalay codsi uga yimid Xasan Sheekh iyo qorshe culus oo socda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here