Home Wararka Caalamka Mid ka mid Ah Jeneraalada Uga Sareeya Ruushka oo ukrain lagu Dilay

Mid ka mid Ah Jeneraalada Uga Sareeya Ruushka oo ukrain lagu Dilay

0

Warbaahinta dowladda Ruushka ayaa xaqiijisay inuu dhintay mid ka mid ah jeneraalada ugu sarreeya ee Moscow ee joogay Ukraine, kaddib dagaal culus oo ka dhacay gobolka Donbas ee bariga Ukraine.

Sida uu sheegay wariye ka tirsan warbaahinta dowladda ee Rossiya 1, Roman Kutuzov ayaa la dilay isagoo hogaaminaya weerar lagu qaaday deegaan ay degan yihiin ciidamadda Ukraine oo ku yaala gobolka Donbas.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaan weli ka hadlin wararkan. Militariga Ukraine ayaa sidoo kale xaqiijiyay dilka Gen Kutuzov, iyagoo aan bixin faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan sida ay wax u dhaceen.

Dhanka kale Ruushka ayaa ku andacoonaya in uu burburiyay dhismayaal warshadeed oo ku yaallay warshad dayactir ku samaynaysay baabuurta hubaysan ee Ukraine oo ku taalla gobolka Kharkiv.

Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa sheegtay in diyaarad kale oo militariga Ukraine la soo riday, sidoo kale.

Ruushka ayaa sidoo kale sheeganaya in 18 kale oo kamid ah, taangiyada Yukreen ayaa sidoo kale la burburiyay waxaana la dilay 450 oo kamid ah dagaalamayaasha Ukraine.

Madaxweynaha Ukraine Zelensky ayaa waqti la qaatay ciidamada kusugan jiidda hore ee bariga Donbas – halkaas oo uu Ruushka duqeymo joogta ah ku hayo.

Khudbadiisii ​​habeenkii Axadii, wuxuu sheegay inuu safar ku tagay magaalada Lysychansk iyo magaalada Soledar – isagoo sheegay inuu ku faanayo “qof kasta oo aan la kulmay {iyo} qof kasta oo aan gacan qaaday”.

Ad
Previous articleMadaxweynaha Galmudug oo gaaray Magaalada Cadaado (Sawiro)
Next articleCabdiraxmaan Baraka Xasan oo iskusoo Dhiibay Dowlada Xog badana Shaaciyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here