Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Shiikh oo AMIIR KA DOWLADA QATAR layeeshay Kulan...

Madaxweyne Xasan Shiikh oo AMIIR KA DOWLADA QATAR layeeshay Kulan Mira Dhal ah(Sawiro)

0

MADAXWEYNE XASAN SHEIKH IYO AMIIR KA DOWLADA QATAR OO YEESHAY KULAN MIRO DHAL AH

Dooxa, Maarso 05, 2023: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galaya Madasha Qaramada Midoobey ee dalalka soo koraya ayaa halkaas kula yeeshay wada-hadallo wax ku-ool ah Amiirka dalkaas Sheekh Tamiim Binu Xamad.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Amiirka Qatar ayaa kulankooda ku lafa-guray aayaha xiriirka Labada dal iyo danaha wadajirka ah ee ku aaddan xasilloonida iyo horumarka Gobolka, si loo sii xoojiyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar

Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Binu Xamad oo Madaxweynaha iyo wafdigiisa uga mahad-celiyey ka soo qeyb-galka Madasha Qaramada ee dalalka soo koraya ayaa xusay sida ay Dowladdiisa uga go’an tahay garab istaagga dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan iyo Amiir Tamiim ayaa isla gartay dardar-gelinta mashaariicda horumarineed ee Dowladda Qatar ay ka fulinayso Soomaaliya, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu adkeeyey sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay u soo dhaweynayaan cid kasta oo garab istaagaysa.

DHAMMAAD

Ad
Previous articleMaamulka Puntland Oo Digniin Adag Ka Soo Saartay Ansixinta Sharciga Maareynta Kaluumeysiga
Next articleWAR DEG DEG AH:Dowladda UK oo taageerada kala laabtay Somaliland kadib dagaalka Laascaanood

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here