Home Wararka Caalamka ilhaan cumar oo guul ka gaartay Doorashada dalka Mareykanka

ilhaan cumar oo guul ka gaartay Doorashada dalka Mareykanka

0

Ilhaan Cumar iyo ugu yaran saddex musharax oo kale oo Soomaali ah ayaa kusoo baxay doorashada horudhaca ah xisbiga Dimuqraadiga ah ee gobolka Minnesota, kaddib markii ay kasoo adkaadeen musharraxiintii kale ee la tartamayay, iyaga oo isku diyarinaya doorashada ay kaga hortayaan Xisbiga Jamhuuriga

Senator Cumar Faatax ayaa dib u helay kalsoonida xisbigiisa. Zainab Mohamed ayaa iyana kusoo baxday doorashadii kurisga Aqalka sare ee Gobolka Minnesota, halka Samakaab Hussein uu iska ku guuleystay doorashada tartanka xildhibaan Aqalka hoose ah.

 

Ilhaan Cumar ayaa heshay 51 boqolkiiba codadka la dhiibtay ee doorashada. Halka Samuels uu helay 48 boqolkiiba.

“Guusha caawa waxay marqaati u tahay sida ay degmadeenu u aaminsan tahay qiyamka wadajirka ah ee aan u dagaalamayno,” ayay tidhi Ilhaan Cumar oo doorashada kadib hadashay.

Ilhaan Cumar, ayaa la tartami doonta Cicely Davis oo ah musharaxa xisbiga Jamhuuriga doorashada guud ee bisha November 8.

“Mareykanku wuxuu rabaa isbedel. Waana ognahay inaan bixinaynay isbeddelkaas. “Rajada kaliya ee aan qabo ayaa ah in qofka iga soo horjeeda uu cashar ka baran doono arrintan, waxaa sidaas yiri, Samuels oo doorashada looga guulaystay.

Ilhaan Cmar, oo u tartamaysa mar saddexaad Congress-ka, ayaa noqotay qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah iyo qaxooti ah oo loo doorto Congress-ka Maraykanka sannadkii 2018.

Si kastaba, Ilhaan iyo saddexda musharrax ee kale ee Soomaalida ee guuleystay ayaa haatan isku diyarinaya doorasho adag oo ay kaga hortegayaan xubnaha isbiga Jamhuuriga.

Ad
Previous articleWasiirka cusub ee amniga Soomaaliya oo xilkii la wareegay
Next articleMuqtaar Rooboow abuu-mansuur oo xilka la wareegay {Sawiro}

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here