Home Wararka Somaliya Galmudug Madaxweynaha Dowladda Galmudug oo maanta furay kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka Galmudug(Sawiro)

Madaxweynaha Dowladda Galmudug oo maanta furay kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka Galmudug(Sawiro)

0

Madaxweynaha Dowladda Galmudug ayaa maanta furay kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka Galmudug

Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa maanta furay kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka Galmudug oo maanta ka furmay Xarunta Baarlamaanka ee magaalada Dhuusamarreeb.

Munaasabadda furitaanka Kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka Galmudug waxaa sidoo kale goobjoob ahaa Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Galmudug mudane Cali Dahir Ciid.

Madaxweynaha ayaa munaasabadda ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo ay ugu horeyso guulaha laga gaaray dhanka amniga, dhismaha dowladaha hoose, dhaqaalaha, adeegga bulshada iyo mashaariicda horumarineed.

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale u mahad celiyay Baarlamaanka Galmudug iyo howlihii ay soo qabteen shantii kalfadhi ee hore, wuxuuna kula dardaarmay in la dardargeliyo howlo qorsheedka horyaalla kalfadhigan lixaad ee baarlamaanka.

Ugu danbeyntii, Madaxweynaha ayaa si rasmi ah u furay Kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka Dowladda Galmudug.

Ad
Previous articleMucaaradka oo lagu wado inay war kasoo saaraan xaaladda siyaasadeed ee Somaliland
Next articleCiidamada Itoobiya oo galaya Magaalada Makelle iyo Hub ka dhigis lagu sameenayo TPLF

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here