Home wararka Dalka Dhageyso Wasiiro ka tirsan Somaliland oo gaaray Magaalada Buuhoodle..

Dhageyso Wasiiro ka tirsan Somaliland oo gaaray Magaalada Buuhoodle..

0
SHARE

Magalada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer waxaa Galabta gaarey Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Howlaha guud iyo guryeynta Maamulka Soomaaliland Cabdi Rashiid Ducaale Qambi,iyada oo halkaasi lagu soo dhaweeyey.

Wasiirka iyo xubnaha la socday ayaa waxa ay wateen Gaadiid nooca dagaalka ah oo aad u waaweyn,kuwaas oo lagu dhex arkay gudaha Magalada Buuhoodle.

Waxka ayar 24 Saacadood ayaa Buuhoodle waxaa ka amqan Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdi Xakiin xaaji Cumar Camey oo mudo dhowr cisho ah ku sugnaa Magalada Buuhoodle.

Wasiirka Howlaha guud iyo guryeynta Maamulka Soomaaliland Cabdi Rashiid Ducaale Qambi, oo boqolaal ruux kula hadlay Buuhoodle ayaa sheegay ayaa Shacabka buuhoodle ugu baaqay in aan loogu sacba tumin colaad,isla markaan ay ku fara adeegaan nabadgelyada ay heestaan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Soomaaliland aysan xilligaan diyaar u aheyn in ay dagaal ka abuurtay Buuhoodle,balse Puntland oo waqtigeeda dhamaaday ay taasi bilaabeyso sida uu hadalka u dhigay.

Halkan hoose ka dhageyso Codka Wasiirada.

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here