Home Wararka Maanta Ciidamo Ka Wada Tirsan Dowlada oo Maantay Ku Dagaalamay Magaalada Muqdisho

Ciidamo Ka Wada Tirsan Dowlada oo Maantay Ku Dagaalamay Magaalada Muqdisho

0

Waxaa duhurnimadii maanta iska hor imaad khasaaro geestay oo u dhaxeeyay ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya iyo kuwa hay’adda nabad sugida uu ka dhacay bar-koontarool oo kutaalla isgooska Siinay ee magaalada Muqdisho.

Sida aan wararka ku helnay iska hor imaadka ayaa dhax maray ciidamo la socday Abaanduulaha guutada 4aad ee ciidanka xoogga dalka soomaaliya Col. Qataatow iyo ciidamo nabad sugida ah oo koontaroolka ku sugnaa.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in uu jiro khasaaro dhimasho iyo mid dhaawac oo kala gaaray labada ciidan ee dagaalamay, lamana oga ilaa hadda khasaaraha dadka shacabka ah kasoo gaaray dagaalkan.

Ciidamada milatariga ayaana la sheegay in markii dambe goobta isaga tageen, waxaana goobta iska hor imaadka ka dhacay gaaray ciidamo katirsan nanad sugida iyo booliiska ay la socdaan saraakiil ciidan ,kuwaa oo bilaabay baaritaano ku aadan dagaalka dhacay.

Dowladda Soomaaliya ayaan wali ka hadlin iska hor imaadkan maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, lamana oga ilaa hadda waxa dhaliyay iska hor imaadkan khasaaraha dhaliyay.

Ad
Previous articleGaari Xamuul oo laga helay meydadka Tahriibayaal badan oo kusii jeeday Yurub (Sawirro)
Next articleSenator Muuse Suudi Yalaxow oo dalbaday in Mahad Salaad horyimaado baarlamaanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here