Home Wararka Maanta Madaxweynaha Galmudug oo War kasoo saaray la Wareegitaanka Deegaanka Wabxo

Madaxweynaha Galmudug oo War kasoo saaray la Wareegitaanka Deegaanka Wabxo

0

War saxaafadeed goordhaw kasoo baxay madaxtooyada Galmudug ayaa lagu bogaadiyay howlgalkii ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka kula wareegeen deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud.

Madaxweyne Qoor Qoor warka uu caawa soo saaray ayuu ku sheegay in uu bogaadiyo ciidamada kala duwan ee qalabka sida iyo kuwa dee ee la wareegay Wabxo, waxa uuna ku booriyay iney sii laba jibaaraan howlgalkan lagu xoreynayo deeganada Galmudug.

War saxaafadeedka kasoo baxay Madaxtooyada Xafiiska Qoor Qoor ayaa u qornaa sida tan:

Dowladda Galmudug waxay bogaadineysaa howlgalka ciidamada qalabka sida iyo dadka deegaanka ay ku xoreeyeen deegaanka Wabxo.

howlgal qorsheysan oo ay si wadajir ah Maalmihii lasoo dhaaafay u fuliyeen ciidanka qalabka sida iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ayay si buuxda gacanta ugu dhigeen deeganka wabxo ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo gabi ahaanba laga sifeeyay kooxda Argagxisada ee Alshabaab.

Wabxo waa deegaan ay muddo dhib ku hayeen kooxaha argagaxisada ah, halkaas oo u aheyd muddo badan Fariisin weyn.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa bogaadiyay ciidamada kala duwan ee qalabka sida iyo kuwa deegaanka, asagoona sidoo kale Madaxweynuhu dhiirageliyay shacabka Galmudug iyo ciidamada qalabka sida iney sii laba jibaaraan howlgalkan lagu xoreynayo deeganada Galmudug.

Ad
Previous articleMuqdisho oo Caawa lagu Dilay Imaam Masaajid oo caan ah
Next articleWasiir Fiqi oo si adag uga jawaabay weerarkii uu Cali Yare ku qaaday ganacsatada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here