Home Wararka Somaliya Madaxtooyada Koongo oo War ka soo saartay Safarka Madaxweyne Farmaajo

Madaxtooyada Koongo oo War ka soo saartay Safarka Madaxweyne Farmaajo

0

Madaxtoyada Jamhuuriyadda Congo  ayaa faah fahin ka bixisay booqashada Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku tegay dalkaas.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Koongo ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxdweyne Félix-Antoine Tshisekedi Tshilombo ahna guddoomiyaha Midowga Afrika uu saaka qabilay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Maxamed C/llaahi Farmaajo  wuxuu u yimid inuu si fool ka fool ah ula kulmo Guddoomiyaha xilligan ee AU Félix-Antoine Tshisekedi Tshilombo.. Wuxuu ahaa codsi ka yimid madaxtooyada Soomaaliya in booqashadan shaqo loo abaabulo.” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada dalka Jamhuuriyadda Congo.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa booqasho an horay loo sii shaacin waxa uu ku tegay dalka Koongo,waana safarkii ug horeeyay uu dalka uga baxo tan iyo markii uu dhamaaday muddo xileedkiisa

Ad
Previous articleShir looga hadlayay amniga Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb oo ka furmay Dhuusamareeb.
Next articleMadaxweyne Farmaajo oo Cadaadis xoogan dareemay markan Xaqiiqdana ogaaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here