Home Wararka Maanta Dowladaha Qatar iyo Imaraadka oo loolan adag ku dhexmaraayo Siyaasada Soomaaliya

Dowladaha Qatar iyo Imaraadka oo loolan adag ku dhexmaraayo Siyaasada Soomaaliya

0

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa ka socda dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo ay ka wadaan safiirada qaar ka mid dalalka Carbeed ee xiriirka la leh Soomaaliya, gaar ahaan Qatar iyo Isu Tega Imaaraadka Carabta.

Labada Safiir oo uu fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ayaa bilaabay abaabul xoogan, kadib doorashadii 15-kii May, si uu mid kasta u dalkiisa ugu xoog bato dowladda cusub.

Kulamada ay wadaan labada nin ee ka socda Abu Dhabi iyo Dooxa ayaa u muuqdo kuwa is daba socda, sida ka muuqata shirarkii ugu dambeeyey ee ka dhacay caasimada.

Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Imaaraadka u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Axmed Alcusmaan, waxayna ka wada-hadleen adkeynta xiriirka labada dal, sidii ay dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta uga qayb qaadan lahayd gurmadka abaaraha ee haatan ka socda gudaha Soomaaliya.

Maalin, kadib oo maanta ah isla Cabdi Xaashi ayaa waxaa u tegay oo kulan ay wada yeesheen safiirka Qatar, Danjire Xasan Bin Xamze Haashim, waxayna ka wada-hadleen arrimo ay ka mid yihiin xiriirka labada dal iyo in Qatar ay kaalin ku yeelata gurmadka abaaraha dalka

Ad
Previous articleGalmudug oo Bilowday Hab Cajiib ah oo Alshabaab oo looga Saraayo Deegaanada Galmudug(Sawiro)
Next articleDadka Badan Boqolaal Ruux oo Gaajo iyo Haraad ugu Geeriyooday Gobalka Gedo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here