Home Wararka Caalamka Hoggaamiyaha Xamaas Ismaaciil Haniyah oo booqasho aan horey loo shaacin ku...

Hoggaamiyaha Xamaas Ismaaciil Haniyah oo booqasho aan horey loo shaacin ku tagay dalka Turkiga(Sawiro)

0

Hoggaamiyaha garabka siyaasadda ee ururka Xamaas Ismaaciil Haniyah ayaa booqasho aan horey loo shaacin ku tagay dalka Turkiga, waxa uuna halkaasi kula kulmay Madaxweynaha Turkiga Rajab Tayib Erdogan.

Kulanka Madaxweyne Erdogan iyo Ismaaciil Haniyah dhax maray ayaa ahaa mid albaabada u xirnaayeen, waxaana la sheegay in labada dhinac kawada hadleen arrimo xasaasi ah oo ugu horreyso colaada Gaza iyo sidii xal loogu heli lahaa.

Madaxtooyada Turkiga faah faahin badan kama yasan bixin waxa kasoo baxay kulanka dhax maray Erdogan iyo Haniyah, waxaana kulankan ka horreeyay kulamo horey ugu dhax maray Doha Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga iyo hoggaamiyaha Xamaas.

Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in Haniyah kawada hadleen muhiimada ay u leedahay midnimad Falastiiniyiinta inta lagu guda jiro marxaladan, isagoo xusay in jawaabta ugu adag ee Israa’iil iyo guushu tahay midnimo.

Erdogaan ayaa sidoo kale sheegay in Israa’iil ay lama huraan tahay in ay maalin uun bixiso qiimaha xaqdarrada ay ku hayso falastiiniyiinta, wuxuuna carrabka ku dhuftay in dalkiisu uu sii wadi doono in uu indhaha beesha caalamka ku soo jeediyo caddaalad darradaas.

Maamulka Israa’iil ayaana ka carooday kulanka dhax maray Madaxweynaha Turkiga iyo hoggaamiyaha garabka siyaasadda ee Xamaas, waxa ayna Israa’iil Turkiga ku eedeysay in garab siineyso koox aragagaxiso.

Ad
Previous articleNin Walaalkiis Ka Yar Si Arxan Dara ah ugu dilay Baladweyne
Next articleCiidamada Israa’iil oo si arxan daro ah u dilay Aabbe, xaaskiisa iyo carruur ay dhaleen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here