Home Wararka Somaliya Puntland Sababtii Gaalkacyo loogu Dilay Ganacsade Axmed Tahliil oo la Ogaaday iyo Ragii...

Sababtii Gaalkacyo loogu Dilay Ganacsade Axmed Tahliil oo la Ogaaday iyo Ragii Dilay oo…..

0

Waxaa Shalay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug lagu aasay ganacsade Axmed Tahliil oo shalay Kooxo hubaysan ku dilen, xilli uu ku sugnaa goobtiisa ganacsi oo kutaala waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Dilka ganacsadahaan oo caan ka ahaa waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa si gaar ah uga dhacay halka loo yaqaano Jiiro Cabdullahi Yuusuf.

Liibaan Tahliil oo la dhashay ganacsaha la dilay ayaa BBC-da u sheegay in walaalkiisa lagu dilay gudaha goobtiisa ganacsi, iyada oo dilka ka dib ay banaanka u soo jideen.

Muqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya dabley hubeeysan oo gaari fuulaya iyo meyd yaalla dhina gaariga oo la sheegay in yihiin raggii dilka gaystay iyo maydka ganacsadaha.

“Allah u raxmadee Walalkay Axmed Tahliil, dabley hubeysan oo arxan laawayaal ah ayaa shalay abbaaro sideedii subaxnimo ugu yimid goobtiisa ganacsi, gudaha bakhaarkiisa ayay ku dileen, kadibna banaanka ayay u soo jideen. Ma garan karo sabab ay u jiidayeen ilaa laamiga ayay geeyn” ayuu yiri Liibaan Tahliil oo BBC-da la hadlay.

Markii la dilay ayuu sheegay in uu soomaanaa, maadama maalin kasta oo khamiis ah uu soomi jiray.

Gudoomiyah Gobolka Mudug ee Puntland Faysal Shiikh Cali oo BBC-da warramay ayaa sheegay in dilka ganacsadaha uu salka ku hayo muran iyo isqabqabsi ka dhashay wiil ay isku hayteen marxuumka la dilay walaalkiisa oo ku sugan Garoowe iyo mid ka mid ah dableyda dilka gaystay.

“kooxda falka geysatay oo wadatay gaari ay markii hore isku dayeen inay afduubtan ganacsade Axmed Tahliil, balse qadarta alle waa dileen” ayuu yiri Faysal Shiikh Cali Gudoomiyah Gobolka Mudug ee Puntland.

Gudoomiye Faysal Shiikh Cali waxaa uu BBC da u sheegay in kiiska ninka loo dilay ee ah wiilka la isku haysto uu horey u yaallay maxkamada, laamaha amaanka iyo maamulkuna ay ku jireen sidii loo xalin lahaa.

“Qof nool oo la isku haysto in qof loo dilo sax ma ahan, in loo afduuban sax ma ahan, arrintaan waxaa gacanta ku hayay maxkamada iyo laamaha amaanka” ayuu BBC-da u sheegay gudoomiye Faysal Shiikh Cali.

“Qorshuhu waxaa uu ahaa in maanta wiilka la isku haysto laga soo celiyo dalka Uganda oo la keeno magaalada Garoowe” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Liibaan Tahliil Xaaji Aadan oo sheeganaya in uu dhalay wiilka uu gudoomiyahu sheegay “in la isku haysto oo dartiis loo dilay ganacsade Axmed Tahaliil”.

“Wiilkaas dalka ma joogo, in la keeno Garoowe ama Gaalkacayo ayuu qorshuhu ahaa, cidii dacwada sheegaynaysa ee dilka gaystay in ay imaadaan oo sharciga lagu kala baxo ayay ahyeed, tigidka wiilka waa la jaray, maalinta biri ah oo sabti ah ayuu imaan lahaa,” ayuu yiri Libaan Tahaliil Xaaji.

Dableyda lagu eedeeyay in dishay ganacsade Axmed Tahliil ayaa goobta isaga baxsaday markii ay falkaan geystaan,waxaan gudoomiyaha uu sheegay in ay gaareen magaalada Bursaalax oo ka tirsan isla gobolka Mudug.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Puntland ayuu sheegay Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Faysal Shiikh Cali in baritaan dheere kadib ay haatan ay ku hareeraysan yihiin goob ay ku jiraan dableydii dilka gaystay.

Gudoomiye Faysal Shiikh Cali ayaa BBC-da u sheegay isaga oo ku sugan Magaalada Bursaalax in hadda ay koxda loo haysto in ay dilka gaystay ay isku horfadhiyaan xarun ay ku jiraan, balse ay ka war sugaan waanwaan ay wadan odayaasha dhaqanku.

“Anaga oo ku howalgalayna xogta aan ka helnay dadweynaha ayaana dabeyldii hareeraynay, marka waana hubeeysan yihiin ilaa hadda wax dagaal ah ma dhicin, laakin hada waxaa noo yimid odayaashii beesha, waxaan isku afgaranay in si fudud loo soo wareejiyo dadka dhibka gaystay” ayuu yiri gudoomiye Faysal.

Waxaa uu sheegay marka ay soo qabtaan in ay ku wareejin doonaan hay’adaha cadaaladda.

Axmed Tahliil oo ahaa nin si weyn looga Garanayo magaalada Gaalkacyo ayaa ifka ugu tagay 12 caruur ah oo kala ah lix wiil iyo lix gabdhooda iyo hal xaas.

Magaalada Gaalkacyo dhinaceeda waqooyi ee Puntland, ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa kusoo badanayay dilalka salka ku haya aargoosiga aanooyinka qabiilka, sida ay noo sheegeen dadka deegaanku.

Bishii September ee sanadkii hore, dhaqtar dhallinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Sakariye Cadceed Jaamac ayaa lagu dilay goobtiisa caafimaad xilli habeen ah.

Ad
Previous articleMagaalo Ka Tirsan Galmudug oo noqotay meeshii ugu Horaysay ee laga Qodaayo Shidaal
Next articleMuqdisho: Madaxweyne Xasan Shiikh oo u dhaafay Caasimada Adis Ababa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here