Home Wararka caalamka Sawiro Wariye lagu dilay Dalka Ukraine oo markale Warbaahinta kasoo muuqday..

Sawiro Wariye lagu dilay Dalka Ukraine oo markale Warbaahinta kasoo muuqday..

0
SHARE

Joornaalistihii ruushka u dhashay ee shalay la sheegay in lagu dilay caasimadda dalka Ukrain ee Kiev ayaa maanta kasoo muuqday taleefishin isaga oo nool, islamarkaasna bad qaba.

Mr. Babchenko ayaa ka soo muuqday shir jaraa’id oo uu ku qabtay dalka Ukrainian, waxaana la qabtay shirkaasi jaraa`id hay` adda sirdoonka dalkaasi ee loo yaqaanSBU.

Madaxa sirdoonka dalka Ukraine Vasyl Hrytsak, ayaa ka sheegay shirkaasi jaraa’id in dilka uu ahaa mid la jilayay si loo ogaado shirqoolada sirdoonka Ruushka.

Xaaska Mr. Babchenko ayaa horey u sheegtay in ninkeeda dhabarka laga toogtay xilli uu dukaanka kasoo adeegay islamarkaana uu guriga soo galayay.

Saxafigan horey uguma sheegin xaaskiisa in dilkani uu yahay mid jilliin ah “gaar ahaan waxaan raali galinayaa xaaskeyga,” ayuu yiri.

Ra’isulwasaaraha Ukraine ayaa mar sii horeysay dilka wariyaha, Mr. Bebchencho, ku eedeeyay dowladda Ruushka, iyada oo Ruushka ay ku baaqday in la baaro dilka, eeddana dusha ka saartay xukuumadda Kiev.

Anti-Kremlin Russian journalist Arkady Babchenko speaks during a press conference at Ukrainian Security Service in Kiev on May 30, 2018.
Ukraine admitted it had staged the murder of anti-Kremlin journalist Arkady Babchenko in order to foil an attempt on his life by Russia, a stunning development in a case that had attracted global headlines. / AFP PHOTO / Sergei SUPINSKY

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here