Home Wararka Maanta Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Mareykanka oo Soo Gaaray Muqdisho

Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Mareykanka oo Soo Gaaray Muqdisho

0

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, waxaa maanta soo saaray sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Mareykanka, kaas oo lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Sarkaalka kasoo dagay caasimada Muqdisho ayaa ah kaaliyaha Xoghayaha Maaliyadda ee Mareykanka u qaabilsan arrimaha argagixisada iyo sirdoonka, Brian Nelson.

Ninkan ayaa inta uu joogo magaalada Muqdisho wuxuu ka bilaabi doono kulamo uu la qaadan doono madaxda sare ee dalka, inkastoo ay hadda maqan yihiin madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo safaro kala duwan ku kala jooga waddamada Talyaaniga iyo Tanzania.

Brian Nelson, ayaa  madaxda dowladda federaalka kala hadli doonaan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka haatan ka dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka.

Sidoo kale arrimaha kale oo uu kala hadli doono madaxda sare ee dalka waxaa kamid ah sida ka bixitaan Moscow ee heshiiska badarka badda madow uu dhaawaci doono Afrika.

Mareykan iyo Ruushka ayaa xilligan aad isku haya, waxayna xiisaddooda uga sii daray dagaalka Ukraine, balse arrintan ayaa imaaneysaa ayada oo madaxweyne Vladimir Putin uu isku diyaarinayo inuu madaxda Afrika ku martigeliyo St. Petersburg Khamiista maanta iyo Jimcaha berri, isagoo u ballan qaaday inay xor u yihiin hadhuudhka Ruushiya, si ay ugu beddeshaan hadhuudhka Ukraine.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa xiriir xoogan la leh Mareykanka oo ka taageera dhanacyada milatariga iyo dhaqaalaha, halka ay haatan dooneyso inay macaamiil iyo xiriir toos ah la yeelato Moscow, si dib loogu celiyo xiriirka hore ee u dhexeeyay labada dowladood.
Ad
Previous articleGolaha Wasiirada Soomaaliya oo War kasoo saaray Qarixii lagu laayay Ciidamada 14ka Octoober
Next articleMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo casuumad rasmi ah u diray Samia Suluhu

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here