Home wararka Dalka Dhageyso Cameey oo sheegay in Dagaalka Tukaraq uusan Joogsan doonin inta ay...

Dhageyso Cameey oo sheegay in Dagaalka Tukaraq uusan Joogsan doonin inta ay kala wareegayaan Dhulka ka maqan..

0
SHARE

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Cameey oo booqasho ku jooga Magalada Buuhoodle ayaa shaaciyey ujeedka safarkiisa Magalada Buuhoodle,isaga oo sidoo kale ka hadlay dagaalka u dhaxeeya Puntland iyo Soomaaliland.

“Anigu maanta markaan runta idiin sheego waxaan halkaan u nimid labo waa calaf iyo ciidan,reer buuhoodle labadaas ayaan idinka dooneynaa,waxana idiin sheegayaa in qolooyinka Beesha Caalamka ah ee tukaraq ku haayo in magalooyinka Puntland aysan u kala duwaneyn ayuu yiri Mudane Cameey.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in Maamulka puntland marnaba uusan joojin doonin dagaalka ka dhanka ah maamulka Soomaaliland ilaa iyo inta ay kula wareegayaan deegaanada ka maqan sida uu hadalka u dhigay.

Sikastaba tan iyo markii uu dib u qarxay dagaalka deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool aya masuuliyiin ka kala tirsan labada Maamul waxa ay hawada isku marsiinayaan hadal hanjabaad ah taas oo cabsi ku abuurtay shacabkii yaraa eek u haray deegaanka tukaraq.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland.

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here