Home Wararka Somaliya Taliska Ciidanka Galmudug iyo kuwa Dowlada oo war kasoo saaray in Dagaalka...

Taliska Ciidanka Galmudug iyo kuwa Dowlada oo war kasoo saaray in Dagaalka uu sii Soconayo

0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa sheegay in ciidamada ay ku wajahanyihiin deegaanno dhowr ah oo ka tirsan Koonfur Gobolka Mudug, si ay guud aahan deegaannada Koonfurta uga saaraan dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in halka ay Ciidamada ku sugan yihiin ee magaalada Camaara oo ay si toos ah u qabsadeen, isla markaana ay isku fidiyeen guud ahaan Camaara, una sii gudbeen deegaanka Caad.

Jeneraal Biixi oo hambalyo iyo bogaadin u diray ciidanka xoogga dalka iyo ciidamada daraawiishta Galmudug ayaa sheegay in dhagaha shacabka ay soo gaari doonto war farxad leh oo ku saabsan in Al-Shabaab laga saari doono Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug,, isagoo xusay in Al-Shabaab dagaalo uga socdaan  Gobollada Hiiraan, Shabaleellaha dhexe, kuwaasi oo qeyb ka ah sidii dalka looga saari lahaa  Al-Shabaab.

“Qorshaheena labaad waxaa uu yahay oo aan ku wajahanahay in aan cadowga ka sifeyno Xarardheere, waxaana Ummadda Soomaaliyeed ay ku farxi doonaan kolkaan idinkala soo hadlo Xarardheere oo aan cadowga ka ciribtirno halkaas”. Ayuu yiri Taliyaha ciidanka Dhulka Xoogga dalka.

Ad
Previous articleMaamulka Puntland oo Ciidamo kala dhex-dhigtay maleeshiyaad dagaalamay
Next articleDowlada Israa’iil oo hanjabaad kulul u jeedisay Iran

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here