Home Wararka Somaliya Galmudug Madaxweyne QoorQoor oo isugu Yeeray Xildhibaanada Cusub ee laga Soo Doortay Galmudug

Madaxweyne QoorQoor oo isugu Yeeray Xildhibaanada Cusub ee laga Soo Doortay Galmudug

0

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa magaalada Dhuusamareeb kulan iskugu yeeray Xildhibaanada labada Aqal ee laga soo doortay Galmudug.

Qoorqoor ayaa faray xildhibaanada iney kama dambeys illaa beri ku soo gaaraan magaalada Dhuusamareeb oo ah caasimada Galmudug.

War rasmi ah kagama hayo ujeedada kulanka balse warar hoose ayaa sheegaya in Qoorqoor uu xildhibaanada kala hadlayo arrimo la xiriira doorashada gudoonka baarlamanka iyo Madaxweynaha.

Xildhibaanada qaar ee laga soo doortay Galmudug oo uu ka mid yahay hogaamiyaha Xisbiga wadajir ayaa haatan ku sugan magaalada Muqdisho iyo meelo kale, mana cadda iney Dhuusamareeb aadi doonaan si ay uga qeyb galaan kulankaas loogu yeeray.

Ad
Previous articleColaadii ka Taagnayd labada Maleshiyo Beelood ee Balanbal iyo Guriceel oo Heshiiis laga Gaaray(Sawiro)
Next articleLaba kursi oo adag maantay lagu Dooranaayo Baladweyne Kadib Dhowr mar oo Dib loo Dhigay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here