Home wararka Dalka Madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo Gudoomiyaha Barlamaanka oo Cadaadis la kulmay..

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo Gudoomiyaha Barlamaanka oo Cadaadis la kulmay..

4
SHARE

labada masuul ee dhawaan cadaado uga dhawaaqay khilaaf ka jira Galmudug iyo in awooda galmudug lagu tuntay ayaa hada u muuqda kuwa cadaadis kala kulmaya go.ankooda.

Labada masuul ayaa helay taageero kaga imaaneysa dhanka Magaalada Cadaado oo ku aadan in lagu taageero qorshahooda khilaafka Galmudug hase yeeshee waxaa go.ankooda kasoo horjeeda bulshada Galmudug ee Cadaado kuwaasi oo aan u dhameyn.

Barlamaanka Galmudug ayaa loogu tala galay in uu ku shaqeeyo cadaado taasi oo madaxda isku raaceen hase yeeshee waxaa labada masuul ay hada keeneen in dhamaan sharuudaha ay wataan la fuliyo.

Wararka ugu danbeeyay ee cadaado ka imaanaya ayaa sheegaya in masuuliyiintan ay cadaadis xoogan kala kulmayaan bulshada Galmudug ee Cadaado kuwaasi oo ku wargaliyay in khilaafka Galmudug aan cadaado laga buun buunin.

Dhanka kale xaruunta madaxtooyada Galmudug ee Cadaado ayaa loo diiday madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo Gudoomiyaha Barlamaanka wararkaasi ayaana wali loo xaqiijin warbaahinta inkastoo warbaahinta mudug24 ay ka heshay masuuliyiin galmudug ah.

Cadaadiska la saaray labada masuul ayaa u muuqda kuwa sii kala fogeenaya xal u helida Galmudug ee khilaafka soo cusboonaaday iyadoo xaalada hada ay mareyso meel dhow oo xal laga gaari karo.

Mudug24 Cadaado

4 COMMENTS

  1. dhimbil dab ah beey dadka wada dhashay ku la wareegayaan waxeey is ku dayayaan reer cadaado in eey ka gadikaraan
    haloo aqli celiyo
    waa rag qurbaha ku soo masulifay
    in lamaraayo ma oga 2018

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here