Home Wararka Maanta Xasan Shiikh oo Banaanka Soo Dhiga Mowqifkiisa ku aadan Heshiiskii Shalay Dhexmaray...

Xasan Shiikh oo Banaanka Soo Dhiga Mowqifkiisa ku aadan Heshiiskii Shalay Dhexmaray Abiya Axmed iyo Muuse Biixi ee Badeena

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa haatan khudbad u jeedinaya baarlamaanka oo kulan degdeg ah la isugu yeeray kaddib heshiiskii shalay ee Itoobiya iyo Somaliland, hadalladiisa waxaa ka mid ah:

Madaxweynaha ayaa marka hore ku dheeraaday taariikhdii soo dhex martay Itoobiya iyo Soomaaliya, isagoo sheegay inay soo martay taariikh ku saleysnedy colaado iyo dagaal.

Isagoo ka hadlayay kulankii shalay ayaa wuxuu yiri: “Maanta bisha January 1deeda 2024 waxa dhacay wax cusub waaye, laakiin aan curato ku ahayn taariikhdii hore ee aan soo marnay. Cid awood u leh cad ka mid ah soomaaliya inay bixiso ma laha, awoowayaasheennaa diiday, annagoo hadda nool baa didnay, sinna suurtogal kuma aha inta yar ee aan hadda heysanno oo inaan horumarsanno oo qurxinno aan ku ballanay in maanta cad ka mid ah uu baxaahi dadka Soomaaliyeed ma oggola meel walba oo ay joogaan.

“Qaanuunka caalamiga ah ma oggola waxa 1-da January Addis Ababa ka dhacay, xeerarka dhaqanka caamka ka jiraa ayuu kasoo horjeedaa. Sinna dhaqangal kuma noqon doono, haddana dhaqangal kuma noqon doono.

Baaqa uu u jeediyay Somaliland:

“Waxaan leeyahay Itoobiya aqoonsi idiinma heyso, aqoonsi ayaan idiin siinnay hadday yiraahdaan aqoonsi jira ma aha, dad jira oo haddaba jira oo barwaaqeysan baad tihiin Soomaalina colaad idiinma qabto, wax walboo aan isu qabno ma goyso in dhul la bixiyo, waxaan rabaa inaan walaalaheen xusuusiyo taariikhda Itoobiya iyo Eritrea ku midoobeen iyo meesha ay ku dhammaatay, waddo la sahmiyo meeshaas nagama jirto.”

Baaqa uu u jeediyay Itoobiya:

“Dowladda Itoobiya waxaan leeyahay dadka reer Itoobiya, mar walba deris baan ahayn isma aanan dooran Ilaah baa noo dooray marka hal ikhtiyaar baan leennahay oo ah inaan nabad ku wada noolaanno, iyadoo xaalado adag lagu jiro sida isbeddelka cimilada, iyadoo la ogyahay Badda Cas ee la hadal hayo xaaladdeeda sida ay tahay iyadoo cadowyadaa badan ay Geeska Afrika ka jiraan in shidaal lagu sii shubaa sax maaha. Waad ogeydeen al-Shabaab waxa ay xalay ku hadlayeen, halkaas fursad kale ayaa uga abuurmi karta, yaan la siin fursad ay dhalinyaro badan ciidan ahaan ugu qortaan,” Ayuu yiri madaxweynaha.

Ad
Previous articleGudoomiye Cabdi Xaashi oo Si adag uga Hadlay Damaca Itoobiya ee Badeena
Next articleBanaanbax wayn oo Beri ka Dhici Doona Magaalada Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here