Home wararka Dalka Xog Shaqada Safarada Soomaaliya ee China oo Istaagtay iyo Xariirka Labada Dal...

Xog Shaqada Safarada Soomaaliya ee China oo Istaagtay iyo Xariirka Labada Dal oo sii Xumaanaya (Akhrio)

0

Danjire Yuusuf Xasan Ibraahin (Yuusuf Dheeg) ayaa isaga oo adeegsanaya dhaqaalaha & Xafiiska Safaarada Soomaaliya Ee Dalka Shiinaha waxa uu si bareer cad ah u cadeeyey in uusan u hogaansamayn amarka kasoobaxay wasaaradda Arimaha Dibadda ee Soomaaliya Bishii December 2017 oo ahaa inuu dalka dib ugu soonaqdo.
Danjire Yuusuf Dheeg ayaa waxa uu kamid ahaa Sideed danjire oo dabayaaqadii sanadkii hore 2017kii dib loogu yeeray inay dalka soogalaan.
Dhamaan 7dii Danjire ee kale way fuliyeen amarkaasi dalka ayeyna kusoo noqdeen waxayna kala ahaayeen.
1. Danjire C/qaadir Shiiqey Maxamed Imaaraadka Carabta UAE
2. Danjire C/qaadir Amiin Sh. Abubakar Kuwait
3. Danjire C/raxmaan Cabdi Xuseen Djibouti
4. Danjire Cumar Sh. Cali Idiris Qadar
5. Danjir Maxamed Cabdi Ugaas Sudan
6. Danjire Sayid Axmed Shiikh Uganda
7. Maxamed Xasan Dawaara Zambia
8. Danjire Yuusuf Xasan Ibraahin (Yuusuf Dheeg) China
Dhamaan Safiirada kor kuxusan ayaa dalka dib ugu soonoqday Marka Laga reebo Danjire Yuusuf Xasan Ibraahin (Yuusuf Dheeg) oo diiday kusoonoqdo dalka isla markaana uu Xilka kuwareejiyo Diblomasiyiinta Safaaradda, Wuxuu wacad kumaray Danjire Yuusuf Dheeg inuu ka shaqeeyo habkii uu u xumayn lahaa xiriirka soojireenka ah ee Soomaaliya & Shiinaha (Chine).
Danjire Yuusuf Xasan Ibraahin (Yuusuf Dheeg) ayaa Wacad Kumaray inuu carqaladeeyo Xiriirka Dowladda Farmaajo & Khayre ay la leeyihiin Dalka Shiinaha (China), Isla markaana uu u ololaynayo danaha Somaliland oo hadda loodoortay saaxiibkii Muuse Biixi Cabdi.
Danjire Yuusuf Dheeg ayaa kamid ahaa diblomasiyiinta ugu magaca wayn Soomaaliya ee hadda Nool, Waxa uu soonoqday Wasiirka Arimaha Dibadda ee Soomaaliya Sanadkii 2000, Hadana Markale ayuu noqday Wasiirka Arimaha Dibadda 2009 – 2010.
Danjire Yuusuf Xasan Ibraahin (Yuusuf Dheeg) ayaa waxa uu danjire kasoonoqday dalal badan oo ay kamid yihiin Sudan, Zambia, & Cuba waxaa kale oo uu labajeer noqday Danjiraha Soomaaliya Ee Shiinaha.
Danjire Yuusuf Dheeg ayaa ahaa shaqsiyaadka qaranka soomaaliyeed ku faano, Laakiin isaga oo da’adiisu kor u dhaaftay 80 sano jir ayaa loo badinayaa in ay hadda ku waynaatay Xaaladda Somaliland oo uu markan aad u taageersanyahay.
Dowladaha Soomaaliya & Shiinaha ayaa ka walwalsan sidii ay u maarayn lahaayeen lahaayeen Caqabada Danjiraha, Waxaana uu doonayaa in Safaaradda Soomaaliya ay shaqayn waydo isla markaana uu baajiyo dhamaan shirarka Madaxda Soomaaliya ay ku tagayaan dalka Shiinaha.
Madaxwaynayaasha Afrika oo uu kujiro Madaxwayne Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa bisha October lagu casuumay Shiinaha, Wasiirka Arimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa isagana lacasuumay bisha August.
Danjire Yuusuf Dheeg ayaa Dadaal ugu jiro in uu madaxda kabaajiyo dhamaan shirarkaa ay ku tagayaan Dalka Shiinaha.
Dhanka kale danjire yuusuf dheeg ayaa warqad codsi ay Somaliland Safaarad uga furanayso China u gudbiyey Dowlada China, Isla markaana waxa uu doonayaa in Shirka China-Arab ee u Dhaxeeya Dowlada Shiinaha & Dalalka Carabta Ku Iclaamiyo In Soomaaliya ay Kuqaldanayd Go’aankii ay ka qaadatay Shirkadda DP Worl & Siyaasadda dhexdhexaadka arimaha Khaliijka.
Danjire Yuusuf Dheeg ayaa dagaal ka dhan ah Dowlada kuqaaday kadib markii ay xil kaqaadis kusameeyeen dowlada Soomaaliya, Waxa uuna diiday in uu ka amarqaato Wasaaradda Arimaha Dibadda Isla Markaana uu diiday inuu xilka iska dhiibo.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here