Home Wararka Somaliya Puntland Puntland oo Villa Soomaaliya ku eedaysay inay Burburinayso Maamulka Puntland

Puntland oo Villa Soomaaliya ku eedaysay inay Burburinayso Maamulka Puntland

0

Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo shir jaraa’id ku qabtay caasimadda Garoowe ayaa Villa Somalia ku eedeeyay in ay ka shaqaynayso burburinta jiritaanka Puntland.

Wasiir Caydiid ayaa sheegay in ay hadda gudaha Puntland khalkhal iyo amni-darro ka abuurayso Villa Somalia oo adeegsanaysa shakhdiyaad dano gaar ah leh iyo xildhibaannada heer Federaal ee laga soo doorto degaannada Puntland.

“Waxaan aad uga xumahay in dowladda Federaalka Soomaaliya ka shaqaynayso in Puntland burburto…. Arrintaas way socotaa gobollada Puntland oo dhan bay ka socotaa hadda oo dowladda Federaalka isku dayaysaa in ay fara-geliso oo khalkhal iyo amni-xumo abuurto” ayuu yiri wasiirka

” Waxay dowladda Federaalku gacan-siinaysa dad khalkhal iyo xasilooni-darro ka buuraya gudaha si ay u burburiso nabadda iyo jiriraanka dowladnimada Puntland” ayuu yiri Maxamuud Caydiid Dirir intaa ku datray.

Ad
Previous articleGaraad Jaamac Garaad Cali oo kamid ah Golaha Sare ee Dhaqanka SSC-Khaatumo ayaa hanjabaad culus u diray xukuumadda Somaliland
Next articleXulka Qaranka Eritrea oo gabi ahaan isaga baxay ka qeyb galka tartanka Isreeb-reebka koobka adduunka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here