Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo la qaatay Madaxda Galmudug iyo Jubbaland

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo la qaatay Madaxda Galmudug iyo Jubbaland

0

Madaxweynaha Cusub ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah waxaa uu la qaatayMadaxweyne ku xigeennada dowlad Goboleedyada Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan iyo Galmudug Cali Daahir Ciid.

Masuuliyiinta ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka iyo sidii si wadajir ah looga shaqayn lahaa Danta Dalka iyo Dadka.

Wararka ayaa sheegaya in dhinacyadu ay isla soo qaadeen sida laga yeelayo xaaladda Gobolka Gedo iyo waxka qabashada dhibaatooyinka Amni darro ee kajira degaannada Maamulka Galmudug.

labada Madaxweyne kuxigeen ee Galmudug iyo Jubbaland ayaa sheegay inay wadashaqeyn dhow la yeelan doonaan dowladda Cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud si loo wada anbaqaado dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

Maamulka Jubbaland aya waxaa weli caqabad ay ka heeysataa Gobolka Gedo oo gacan tooda ka maqan halka Maamulka Galmudug ay degaannadooda dhibaato ku hayaan Al-Shabaab iyo Colaad Beeleedyo soo laab laabtay

Ad
Previous articleXasan Shiikh oo Magacaabay Agaasime Ku Xigeenka Madaxtooyada
Next articleBiden oo awood milatari ugu hanjabay Shiinaha iyo Shiinaha oo aad uga carooday arrintaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here