Home Wararka Somaliya Galmudug Alshabaab oo Ganacsato ka Afduubtay Magaalo Ku Taalo Koonfurta Mudug oo Galmudug...

Alshabaab oo Ganacsato ka Afduubtay Magaalo Ku Taalo Koonfurta Mudug oo Galmudug ka Taliso

0

Warar Dheeraad ah ayaa Kasoo Baxaaya Alshabaab saakay Ganacsato ka Afduubtay Degaan ay joogeen Ciidamada Galmudug iyo Kuwa Macawislaydu.

Kooxda Alshabaab ayaa Degaanka xinlabi ee Koonfurta Gobolka Mudug Waxay ka afduubteen labo ruux oo ganacsato ah oo magaaladaas Caanka ahaa.

Wararka aan ka helayno degaankaas ayaa sheegaya in saakay kooxdu halkaas dhuumaalaysi ay ku yimaadeen isla markaana ay watee labadaan nin ee Ganacsatada degaanka ka mid ahaa.

Alshabaab Ayaa Dhawaan Dagaal Ku Qabsaday Deegaanka Xinlabi Balse Ciidamada Deegaanka Iyo kuwa Galmudug ayaa Ku Qaaday Dagaal Rogaal celin ah Taas oo Alshabaab looga Saaray Degaanka Xinlabi.

Dadka Ku Dhaqan Deegaanka Xinlabi ayay Layaab ku noqotay arintaan iyo Sida loo ogaan Waayya Alshabaabka Dhumaalaysiga kusoo Galay Hadan Afduubtay Ganacsataadaan.

Maamulka Galmudug ayaana Wali Ka Hadlin Arintaan layaabka leh ee saakay Dhacday, arinakaan ayaana Kusoo aadaya Xili Ciidmada Darwiishta Galmudug iyo Kuwa Xooga Dalka Soomaaliya ay soo Baneeyeen Bacaadwayn, Camaara, iyo Caad Oo Alshabaab Dib Ula waregeen.

Ad
Previous articleWax ka Ogoow:Lixda qodob ee ugu waaweyn wax ka beddelka dastuurka ee shalay la ansixiyay
Next articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Caawa Qaaday Talaabo cusub kadib Guushii Shalay uu Gaaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here