Home Wararka Maanta Shacab Badan oo ku Sugnaa Galmudug oo u Guuray dhul Alshabaab Maamulaan

Shacab Badan oo ku Sugnaa Galmudug oo u Guuray dhul Alshabaab Maamulaan

0

Taliyaha ururka saddexaad ee Gorgor Dhamme Cali Axmed Cagey oo shir jaraa’id ku qabtay degmada Xarardheere ayaa ka hadlay howlgallada ka socda gobolka Mudug oo maalmihii dambe ay ka socdeen dhaq-dhaqaaqyo xoogan.

Dhamme Cali Axmed Cagey ayaa ugu horreyntii ka hadlay dib usoo laba kacleynta kooxda Al-Shabaab oo qabsatay deegaanadii ay dhowaan kasoo baxeen ciidamada dowladda.

Sidoo kale wuxuu sheegay in shacabkii ku noolaa deegaanada dhaca koonfurta gobolka ay u guureen dhanka Al-Shabaab, kadib amar ay siisay kooxda, sida uu hadalka u dhigay.

“Shalay waxaa dhacday nasiib darro dadkii daganaa Baraag Ciise ee hal sano iyo bar xor ahaa ee qaadanaayay wax kasta oo adeeg dowladnimo ah nin deegaanka u dhashay ayaa kasoo wacay Jilib amarkii ayay qaateen, waxayna u guureen dhulka Al-Shabaab” ayuu yiri.

Taliyaha ayaa farriin u diray waxgaradka deegaanadaasi, wuxuuna ugu baaqay in dib loo soo celiyo shacabka aaday Al-Shabaab, maadaama ay duulaan ku tahay dowladda dhexe.

“Nabadoonka deegaanadaas ee qaaliga ah ee dadkaas metalo baaqa aan soo dirayo hala maqashiiyo dadkii guuray ee gudaha u guuray iyo kuwii horay u daganaa waxaan leenaha meeshaas halaga baxo” ayuu mar kale yiri Dhamme Cali Axmed Cagey.

Dhanka kale waxa uu hoosta ka xariiqay inay qaadi doonaan howlgallo dhanka cirka iyo dhulka ah oo lagu beegsanayo Al-Shabaab, sidaas darteedna ay u digayaan shacabka.

“Shabaab waa target hadda waa gabagabadii waxaan qaadeynaa tallaab kasta oo aan cadowga ku naafeyn karno haddii ay tahay dhul iyo cir” ayuu sii raaciyay.

Ugu dambeyn wuxuu ka warbixiyay howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay aagga Xarardheere, isaga oo sheegay inay ka gaareen guullo waa weyn, ayna sii wadi doonaan.

Ad
Previous articleMucaarad uu Hogaaminaayo Farmaajo oo Maantay ku Wajahan Garowe
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Madaxweyne Xasan Shiikh iyo P.M Xamsa Oo kala Furfurid ku Bilaabay Xildhibaanadii Diidanaa Wax ka Badalka Dastuurka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here