Home Wararka Somaliya Wararkii ugu danbeeyay Xiisad dagaal oo ka taagan Magaalada Buuhoodle

Wararkii ugu danbeeyay Xiisad dagaal oo ka taagan Magaalada Buuhoodle

0

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay ilaa saakay ay Magaaladaas ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhaxeeysa Ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland.

Xiisadda ayaa waxaa ay ka dambeeysay kadib markii Somaliland ay saacadihii la soo dhaafay Ciidamo farabadan geysay duleedka Magaalada Buuhoodle, iyada oo dooneysa inay qabsato.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Somaliland ay duleedka Magaalada Buuhoodle ka wadaan dhaq dhaqaaqyo halka Ciidamo farabadan oo Puntland todobaadkaan geysay Magaalada Buuhoodle ay dhankooda wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo is difaac ah.

Dadka kunool Magaalada Buuhoodle ayaa qaarkood waxaa ay sheegeen inay cabsi dareemayaan maadaama Ciidamo iska soo horjeeda ay dhaq dhaqaayo wadaan, iyaga oo ugu baaqay labada Maamul inay xiisadda dagaal joojiyaan.

Magaalada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer ayaa soo martay Maamulo kala duwan, hayeeshee Puntland ayaa hadda ku adkeysaneyso inay ka difaaci doonto Somaliland oo dooneysa inay la wareegto.

Ad
Previous articleFinland oo Xadka Ruushka geysay Diyaaro Nuuca Casriga ah
Next articleGudoomiye Xuseen jibriil Oo Qarax Culus lagu Weeraray iyo Khasaaro Ka Dhashay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here