Home Wararka Maanta Waa Sidee Xaalada Magaalada Xananbuure oo Shalay dagaalo Ka Dhaceen?

Waa Sidee Xaalada Magaalada Xananbuure oo Shalay dagaalo Ka Dhaceen?

0

Gudoomiya degmada Cadaado iyo masuuliyiin ka tirsan Galmudug oo kormeer ku tagay deegaanka Balilaasoole ee Hoostaga Magaalada Xananbuure oo shalay Dagaalo Ka Dhaceen.

Gudoomiyaha degmada Cadaado Faarax Diiriye Warsame oo ay wehliyaan wasiir-dowlaha wasaaradda arimaha gudaha Galmudug Cumar Guureeye, wasiirka xanaanada xoolaha Galmudug Cabdullahi Cabdiraxmaan Xuseen (Tootoole), wasiir kuxigeenka shaqada iyo arimaha bulshada Galmudug Maxamed Nuur Diini, wasiir ku xigeenka wasaaradda qorsheynta Galmudug Maxamed Cabdullahi (dhagacadde), xildhibaano ka tirsan dowladda Galmudug iyo taliyaasha Booliska Cadaado iyo Godinlabe ayaa nabadeyn iyo kormeer xaaladda deegaanka ah ku tagay deegaanka Balilaasoole.

Gudoomiyaha iyo masuuliyiinta kale oo kulamo la yeeshay dadka deegaanka ayaa ku guuleystay daminta dagaalo goos goos ah oo maantay ka dhacay deegaanka Xananbuure, waxaana ay kula dar-daarmeen bulshada deegaanka in ay nabadda ka shaqeeyaan.

Dhankooda wasiiro iyo masuuliyiin ka tirsan Galmudug ayaa nabadeyn iyo wacyi galin u aaday garabka kale ee dhinacyada dagaalamay si xal loogu helo colaadda ku soo laalaabatay deegaanka Xananbuure.

Xaalada ayaana Dagan Saakay Manjiro Wax Dagaalo oo Halkaas Ka Dhacay Waxaana La Filayaa in Maantay Lakala Qaado Ciidamadii Halkaas ku Dagaalamay.

Ad
Previous articleDad kabadan 8,306 Qof oo reer Falastiidn ah oo lagu dilay Dagaalka Gaza
Next articleLiiska wariyaasha ku dhintay colaadda Qasa oo la soo saaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here