Home Wararka Maanta Somaliland oo war cusub kasoo saartay dagaalka iyo qorshe ay wado Puntland

Somaliland oo war cusub kasoo saartay dagaalka iyo qorshe ay wado Puntland

0

Xukuumadda Somaliland oo markale ka hadashay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, ayaa waxay sheegtay in maamulka Puntland uu qorsheynayo weerar ka dhan ah ciidamada Somaliland.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda gaashaandhiga Somaliland ayaa waxa lagu sheegay in maamulkooda uu helay xog ku saabsan in ciidamada gaarka ah ee Puntland ay duulaan kusoo yihiin ciidamadooda ku sugan deegaanada iyo degmooyinka gobolka Sool.

“Xukuumadda Somaliland gaar ahaan wasaarada gaashaandhigu waxay rabtaa in ay ku wargaliso beesha caalamka, dowladaha gobolka iyo Qaramada Midoobay, in xogo sirdoon oo lagu kalsoon yahay oo aanu helnay ay muujinayaan in ciidamada Puntland ee PSF iyo PMPF ay qorshaynayaan in ay soo weeraraan ciidanka qaranka maalamaha soo socda,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda gaashaandhiga oo ku qorna luuqada Ingiriiska.

War-saxaafadeedkan ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in Somaliland markii ay xogtan sirdoon ay heshay si dhab ah u qaadatay khatartaas, islamarkaana ay qaaday tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee lagu ilaalinayo dadka iyo deegaanada Somaliland.

“Maamulka Puntland ee Soomaaliya waxa uu doortay in uu cadaawad intaas le’eg ka qaado Somaliland. Waxaan rabnaa in aan cadeyno, si kastaba ha ahaatee, in aynaan ka laba labayn doonin ama isu dhiibin gardarro kasta. Nafteena iyo dadkeenaba waanu difaaci doonaa dhamaanteen.”

Somaliland ayaa waxa kale oo ay sheegtay haddii uu weerar dhaco in masuuliyadeed qaadan doonaan maamulka Puntland, iyaga oo u jeediyay beesha caalamka tallaabo ka dhan ah arrintaasi.

“Waxaan u soo jeedinaynaa beesha caalamka iyo QM inay arrintaas cambaareeyaan gardaro aan cudur daar lahayn, laguna taageerayo xaqa ay Somaliland u leedahay

difaaca. Haddii weerar dhaco waxaa masuuliyadeeda qaadi doona maamulka Puntland, lagulana xisaabtamayo falalkooda.”

Xukuumadda Somaliland ayaa markale ku celisay in waxba iska bedelin go’aankeedii kal hore ee xabad-joojinta iyo in xiisadda ka taagan Laascaanood lagu xaliyo miisak wada-hadalka.

“Somaliland waxa ay weli ku taagan tahay nabad ku wada-noolaashaha iyo wada-shaqeynta dhamaan jaarkayaga, laakiin kama waaban doono inaan difaacno muwaadiniintayada, dhul, iyo madax bannaani marka loo baahdo.”

Ad
Previous articleMarkab siday Gantaalada lidka Taangiyada iyo kuwa Balaastikada oo la qabtay
Next articleDowlada Somalia oo shaacisay sababta loo hakiyey dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here