Home puntland War Deg Deg ah Xildhibaan Ka Tirsan Barlamaanka Puntland oo Gaalkacyo Lagu...

War Deg Deg ah Xildhibaan Ka Tirsan Barlamaanka Puntland oo Gaalkacyo Lagu dilay

0
SHARE

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, Dabley hubeysan ayaa fiidnimadii caawa waxa ay magaaladaasi ku dileen xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Puntland iyo askari La socday.

Rag ku hubeysan Bastoolado ayaa waxa ay rasaas ku boobeen xildhibaanka oo lagu magacaabi jiray C/xakiin Macalin Daahir, kaasi oo fadhiyay afaafka hore ee Hotel Classic oo ku yaalla Waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Xildhibaanka ayaa marka hore dhaawac ahaan loogu qaaday isbitaal ku yaalla magaalada, iyada oo markii dambe dhaawacii soo gaaray u geeryooday, sidoo kale weerarkan waxaa lagu dilay askari ka mid ahaa ilaalada xildhibaanka, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka.

Saraakiil ka tirsan maamulka Puntland ayaa warbaahinta qaar u xaqiijiyay ragga toogtay xildhibaanka in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab, ayaa dileen askarigii xildhibaanka la socday ka dibna ay asi dileen.
ciidanka ammaanka Puntland-na ayaana ku daba jira , Sida  ay sheegeen saraakiisha Amniga Puntland.
Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here