Home Wararka Somaliya 50 kamid ah Xubo ka tirsan Shabaab oo lagu dilay Hawlgalo socda

50 kamid ah Xubo ka tirsan Shabaab oo lagu dilay Hawlgalo socda

0

Ciidanka kumaandooska Soomaaliya ee Danab oo garab ka helaya ciidanka daraawiishta Jubbaland ayaa maalintii afaraad oo xiriir ah howlgalo ka dhan ah Al Shabaab ka wada deegaanno iyo tuulooyin katirsan gobolka Jubadda Hoose.

Howlgalkan ay ciidamada huwanta ah wadaan ayaa Al Shabaab looga saaray deegaanno iyo tuulooyin ay horey u heesteen, waxaana howlgalka khasaaro badan lagu gaarsiiyay dagaallamayaasha Al Shabaab.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cabduiraxmaan Yuusuf Al Cadaalada ayaa sheegay in howlgalka socda maalintii afaraad Al Shabaab looga dilay in ka badan 50-xubnood sidoo kale nolosha lagu qabtay 20-xubnood oo kale.

”Xoogga Dalka iyo Geesiyaasha Jubaland waxa ay Maalintii Afaraad oo xiriir ah Hawdka ku baacsanayaan Khawaarijta, 50 ka badan waa la dilay, 20 kale nolosha ayaa lagu qabtay, Dhul badanna waa laga sifeeyay,” ayuu yiri Al Cadaalada.

Howlgalka ka socda deegaannada maamulka Jubbaland ayaa lagu doonayaa in Al Shabaab looga saaro deegaanno badan ay halkaasi ka joogaan, waxaana howlgalkan imaanayaa xilli uu joogsaday howlgalladii ka socday Hirshabelle iyo Galmudug.

Ad
Previous articleCaalamka: Israel oo Mar kale Rasaas ku furtay Shacab gar-gaaar sugayay
Next articleArday Iyo Macalinkiisa Oo Diyaarad ay Wateen Ku Dhigtay Diaarad kale iyo Dhimasho ka Dhalatay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here