Home Wararka Maanta Aqalka Wakiilada Mareykanka oo si kulul uga hadlay dagaalka Laascaanood Wali Kasocda

Aqalka Wakiilada Mareykanka oo si kulul uga hadlay dagaalka Laascaanood Wali Kasocda

0

Dowladda Mareykanka ayaa markale war cusub kasoo saartay dagaalka weli ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo sababay khasaare isugu jiro dhimasho, dhaawac, barakac iyo burbur xoogan.

Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa si kulul uga hadlay xiisadda Laascaanood, maadaama ay xaaladdu faraha kasii baxday, kadib dagaallo qaatay saddex todobaad oo xiriir ah.

Mid kamid ah golaha oo lagu magacaabo Adam Smith ayaa tilmaamay in ay aad uga xun yihiin waxa ka socda Laascaanood, maadaama uu khasaare soo gaaray dadka rayidka ah.

Adam Smith ayaa sidoo kale sheegay in ay ka walaacsan yihiin sii socoshada dagaaalka oo maalmo badan qaatay, wuxuuna ku baaqay in marka hore xabad joojin la sameeyo.

Sidoo kale wuxuu soo jeediyay in loo gurmado, lana caawiyo qoysaska ku barakcay colaadaasi iyo kuwa ay waxyeelada kasoo gaartay intaba.

Mareykanka ayaa horay uga hadlay xiisadda Laascaanood oo uu dhiig badan ku daatay, wuxuuna sidoo kale xiriir la sameeyay madaxweyne Biixi oo uu kala hadlay arrinta Laascaanood, balse ilaa iyo hadda ma jirto wax tallaabo ah oo ay qaaday Somalilamnd.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto arrinta Laascaanood, maadaama aysan labada dhinac aysan weli sameyn wax tanaasul ah.

Si kastaba, waxaa isa soo tarata baaqyada caalamiga ah ee loo dirayo Somaliland iyo dadka deegaanka, si loo qaboojiyo xiisadda ka taagan magaalada Laascaanood.

Ad
Previous articleGoobo badan oo lagu iibin jiray Maan-dooriyaha oo kuyaallay Muqdisho oo la xiray
Next articleGaari Xamuul oo xalay Dulmaray Moota Bajaaj iyo Dhimasho Iyo Dhaawac Ka dhashay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here