Home Wararka Maanta Askari ka TirsanCiidamada Dowlada oo Wiil Dhalinyara Si Bareee ah ugu Dilay...

Askari ka TirsanCiidamada Dowlada oo Wiil Dhalinyara Si Bareee ah ugu Dilay Muqdisho Xili iskuul Ka Yimid

0

Wiil dhalinyaro ah oo la sheegay inuu arday ahaa ayaa maanta lagu dilay agagaarka isgoyska Baar Ubax oo ka tirsan degmada H/wadaag ee Magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa sheegay in wiilka ay haleeshay rasaas ay fureen aska ka tirsan ciidamada DF ee dhowaan ka soo laabtay tababarka Eritrea.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada oo la socday Mooto bajaaj ay fureen rasaasta ka dib markii wadadu ay noqotay Jaam. si ay u furtaan jidka.

“Ujeedkooda waxaa uu ahaa iney furtaan wadada oo jaam aheyd, hase ahaatee rasaasta ay rideen oo ay hoos u dhigeen waxay haleeshay wiil arday ahaa oo la socday Mooto bajaaj halkaas ayuuna ku dhintay” ayuu yiri goob jooge halkaas ku sugnaa.

Ciidamada dilka geystay ayaana wax yar ka dib isaga baxsaday goobta, waxaana ka dib halkaas dibed bax ka dhigay shacab careysan oo kaa xumaaday dilka macno darada ah ee loo geystay wiilka dhalinyarada ah, kuwaasoo DF ka dalbanayey cadaalad.

Sidoo kale shacabkaas oo u badnaa kuwo halkaas ku ganacsada ayaa sheegay in mar kasta oo ay wadada jaam awgeed xiranto ay ciidamada DF furaan rasaas macno daro ah oo halis iyo khal khal gelisa shacabka halkaas ku sugan.

Laamaha amaanka DF ayaan illaa hadda wax war ah ka soo saarin dilkan askarta dowladu ka geysteen baar Ubax oo qeyb ka ah dilal isdaba joog ah oo mudooyinkan ciidamadu kula kacayeen bulshada.

Ad
Previous articleAlshabaab oo Sheegay inay Dileen 29 Askari oo ka Mid ah Askartii lagu Soo Tababaray Dalka Ereteeriya
Next articleCaasho Abuukar Ibraahim oo Shahaadada Masterka Ka Diyaarinasay Dalka Masar oo Gurigeeda Lagu Dhex dilay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here