Home Wararka Maanta War Deg Deg ah: Bisha Barakaysan ee Ramadaan oo lagu Dhawaaqay in...

War Deg Deg ah: Bisha Barakaysan ee Ramadaan oo lagu Dhawaaqay in La arkay

0

Sacuudiga ayaa goordhoweyd xaqiijiyay in maalinta berri ah ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan, ayada oo meelo kala duwan oo Sacuudiga ah laga arkay bisha.Kadib warka kasoo baxay maamulka Xarameynka ayaa waxa caawa si rasmi ah taraawiixda looga bilaabaya Xaramka, bacda salaada Cishaa’i.

“Bisha Ramadaan 1445/2024 ayaa laga arkay dalka Sacuudiga!. Ramadaan 1445/2024 wuxuu bilaabmayaa berri, 11 March 2024. Salaada Taraawiixda ayaa ka bilaaban doonta Labada Masjid ee Barakeysan Salaada Cishaha kadib,” ayaa lagu qoraal kasoo baxay Xarameynka.

Labada masjid ee barakeysan ayey salaaddaha Taraawiixdu ka bilaaban doonaan caawa salaadda cisho kadib.

Dalal uu kamid yahay Sacuudiga ayaa bilaabay galabtii raadinta dhalashada bisha Ramadaan ee sanadkan 1445 Hijriyadda, iyada oo xiligaas ay dalbadeen in la baadi goobo bisha, taasi oo goordhoweyd si rasmi ah loo xaqiijiyay.

Dhamaan bahda Caasimada Online waxay curashada bisha barakeysan ee Ramadaan ugu hambalyeynaysa dhamaan umadda Muslimka ah, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogan.

Ad
Previous articleNinkii Hoyadiis toorayda Ku Dilay oo La Toogtay
Next articleMadaxweyne Geelle oo dhaliilay heshiiska is-afgaradka ee Itoobiya iyo Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here