Home Wararka Somaliya Somaliland Faysal Cali Waraabe oo ku hanjabay in ay Laascaanood dib ula wareegayaan...

Faysal Cali Waraabe oo ku hanjabay in ay Laascaanood dib ula wareegayaan kana Hadkay Booqashadii Madaxweynaha SSC khaatumo ee Muqdisho

0

Waxaa shalay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya gaaray wafdi uu horkacaayo hoggaamiyaha maamulka SSC Cabdiqaadir Axmed Awcali Firdhiye.

Hoggaamiyaha iyo wafdigii la socday ayaa si weyn loogusoo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyadoo soo dhaweynta ay qayb ka ahaayeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Ujeedka safarka wafdiga hoggaamiyaha maamulka SSC Cabdiqaadir Firdhiye ee magaalada Muqdisho ayaa ku qotanta casuumaad uu u fidiyay raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.

Safarka hoggaamiyaha SSC ayaa waxaa ka dhashay falcelin dhinaca Somaliland ah iyo sidoo kale xildhibaannada gobollada waqooyi ku matala Soomaaliya.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Ku adkeeyey Mucaaradka Koonfurgalbeed Kana Farxiyay Laftagareen
Next articleTirada dhimashada ee Qasa oo sare u kacday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here