Home Wararka Maanta Wasaarada Amniga Soomaaliya oo Deg deg uga Jawaabtay Musuq maasuq Culus oo...

Wasaarada Amniga Soomaaliya oo Deg deg uga Jawaabtay Musuq maasuq Culus oo lagu eedeeyey

0

Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay uga jawaabeyso cabasho ka timid ciidanka ilaaliya iyo tababarayaasha ka howlgala xarunta lagu dhaqan celiyo dadka soo soo hara Khawaarijta Al-Shabaab, xaruntaas ayaa hoos tagta wasaaradda amniga.

Xaruntaas oo lagu magacaabo (Xero Sarandi) ayaa waxaa lagu hayaan ugu yaraan 250 qof oo dhaqan celin u joogta halkaas, dadkaas ayaa siyaabo kala duwan uga yimid kooxaha argagixisada ah ee ka dagaalamaya dalka.

Shaqaalaha ka howlagal xaruntaas oo isugu jira tababarayaal iyo ciidan ilaaliya ayaan mushaar qaadan bilihii lasoo dhaafay, waxaana maalmihii lasoo dhaafay la faafiyey warar sheegayey in wasaaraddu ay u sheegtay in wax kharash ah aan loo heynin oo ay kala tagaan.

Wasaaradda Amniga ayaa hadda been abuur ku tilmaantay wararkaas, waxay cadeysay in deeqihii lagu bixi jiray mushaarka shaqalaha xaruntaas la jartay dhamaadkii 2022-kii, isla markaana uu dib u habeyn ku socdo nimaadka shaqo ee xarunta.

“Barnaamijka dhaqan celinta oo dowladda ay ka kaalmeynayeen wadamada saaxiibka la ah, waxaa si ku meel gaar ah hakad u galay taakuleyntii la sii jiray, waxayna dib u eegis ku socotaa nimaadka taakuleynta oo ku ekaa dhamaadkii 2022,” ayaa lagu yiri warkaan ay baahisay wasaaradda amniga Soomaaliya.

Sidoo kale wasaaradda ayaa shaqaalaha ugu laab qaboojisay in dib loo fasaxayo xuquuqdooda markii lasoo gabagabeeyo dib u habeynta, isla markaana ay dowladdu diyaar u tahay inay bixiso kharashaad lagu socod siinayo shaqada xaruntaas oo muhiim u ah dalka.

“Wasaaradda amniga waxay ku wargelineysaa dhamaan xuquuqihii si ku meel gaar ah hakad u galay in mar dhow dib loo fasixo doono,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda amniga.

Xaruntaan lagu dhaqan celiyo dadka la soo dhaqmay argagixisada ayaa xiligaan muhiim u ah dowladda Soomaaliya, maadaama ay isku soo dhiibayaan ama dagaalada lagu qabanayo Shabaab badan.

Hadii uu jiro warka sheegaya in wasaaraddu ay shaqaalihii Xero Sarandi ka howlgalayey tiri “Kala taga xuquuq la idiinma hayeen” waa arrin khatar ah, inkastoo ay hadda beenisay wasaaradda amniga XFS oo xaruntaan maamusha.

 

 

Ad
Previous articleDhulgariiro kale oo Xalay ku Dhuftay Dalka Turkiga & Khasaaro Dhimasho iyo Dhaawa kale oo Ka dhashay (Sawirro)
Next articleCiidmada Booloska iyo NISA oo Awood Dheeri ah Lasiiyay iyo Amar Culus oo Lasoo saaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here