Home wararka Dalka Hay’ada Hormuud Foundition oo Deeq Kala Duwan oo Gurmad ah Gaar siisay...

Hay’ada Hormuud Foundition oo Deeq Kala Duwan oo Gurmad ah Gaar siisay Xabiga Dhaxe (Sawiro)

0
SHARE

Hay’adda Hormuud foundation ayaa deeq isugu jirtay, Raashiin, Xoolo nool, iyo Dhar ay Ku ciidaan Maxaabiista Ku xiran Xabsiga dhexe Ku wareejisay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Hay’ada Waxaa Deeqdaan Ka Gudoomay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Bashiir Max’ed jaamac { Bashiir Goobe }.

Masuuliyiinta Hay’ada ayaa Sheegay in Deeqdaan Keeneen Xabsiga Dhaxe, ay Tahay Sadaqada iyo Garab istaaga Bisha Ramdaan ay Hay’adu Ia garab Taagan Tahay Dadka Ku xiran Xabsiga dhaxe.

“Cabdullaahi Nuur Cismaan Gudoomiyaha Hay’ada Hormuud Foundition oo Deegdaan Ku Wareejiyay Taliska Asluubta Soomaaliyeed, ayaa sheegay in ay ugu Talageen Dadka ku Xiran Xabsiga Xamar in ay Fursad u Helaan Maalmaha Ciida in ay Halkooda ku Ciidaan.

Taliyaha Asluubta Soomaaliyeed, Bashiir Maxamed Jaamac ayaa sheegay in Ay Tahay Garab istaag weyn gargaarka Maxaasbiista Ia Soo gaarsiiyay.

Waxuuna sheegay in Sanad Kasto ay Hormuud Keento Xabsiga, Raashin, Dhar Ay ku ciidaan Maxaabiista, iyo Geel loo Qalo Dadka Xabsiga ku Xiran.

Hormuud foundation ayaa Sanad kasta Bishaan oo Kale Gurmad Gaarsiisa, Istibaalada , Xabsiga, Aqoonta, iyo Naafada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here