Home puntland Digniino laga bixiyay Duufaano Laga cabsi Qabo in ay Ku dhuftaan Soomaaliland...

Digniino laga bixiyay Duufaano Laga cabsi Qabo in ay Ku dhuftaan Soomaaliland iyo Puntland.

0
SHARE

Sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunnada iyo Beeraha ee FAO Dufaan xoogleh ayaa waxa ay kusoo wajahantahay xeebaha Somalia gaar ahaan deegaannada Puntland iyo Soomaliland.

Duufaanta oo ka soo kacaysa waqooyiga badwaynta Hindiya ayaa la filaya in ay saamayn doonto inta badan gobollada Somaliland iyo Puntland 24 ilaa 48 saac ee foodda inagu soo haysa.

FAO waxa ay sheegtay in marka hore duufaantu ku dhufan doonto deegaannada puntland 24-saac ee nagu soo food leh kadibna u wareegi doonta deegaannada soomaliland 48-ka saac ee foodda inagu soo heysa.

Roobab mahiigaan ah ayaa la socda duufaanta kuwasi oo wata daadad xooggan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here