Home wararka Dalka C/raxmaan Cabdi shakuur” Go’aanka Madasha ee Golaha iskaashiga waxuu Abuurayaa dhiila Cusub.

C/raxmaan Cabdi shakuur” Go’aanka Madasha ee Golaha iskaashiga waxuu Abuurayaa dhiila Cusub.

1
SHARE

Hoggaamiyaha Mucaaradka C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ka hadlay shirkii dowlad goboleedyada ugu soo gabagaboobay magaalada Baydhabo, isagoo shan qodob ku cabiray bayaankii ka soo baxay shirkaas.

C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in bayaanka ka soo baxay shirkaas uu xambaarsan yahay dhiilo culus oo u baahan in dowladda Federaalka ay dhegaha u furto.

Halkan hoose akhriso:-

Bayaanka ka soo baxay shirka dawlad goboleedyada wuxuu xanbarsaan yahay dhiilo culus oo u baahan in dawlada Federaalka ah ay dhegaha u furto. Waxaa ugu muhiimsan

1- Dawlada in ay fulin waysay heshiisyadii dhinaca Amniga ee horay loogu heshiiyey

2- In ay dawladii dhexdhexaadnimadii khilaafka Khaliijka ay ka baxday dhinacna la jirsatay.

3- Deeqaha la siiyo Federaalka in ay iyada soo dhaafin.

4- In Federaalku faragelinta ka daayo dawlad goboleedyada.

Waa fariin horudhac u ah ficil hadii aysan dawlada Federaalka falcelis togan ka qaadan.

1 COMMENT

  1. War murtiyeedku hore ayay u goaamiyeen Gaas, Axmed AMadoobe iyo Farmaajo, Xaaf iyo Waarens waa laga saxeexuum. Horaa loo yidhi ( rag sii tashaday iyo rag aan tashan taladay wadaagaan dhan bay ka rarraan). Cabdiraxmaan Cabdishakuur waa nin feejigan, waana sababta saddex-qeesoodku u dili gaadheen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here