Home DEG DEG: Qodobo dhowr ah oo laga soo saray shirkii Golaha Wadatashi Qaran lana Soo Gabagabeeyey

DEG DEG: Qodobo dhowr ah oo laga soo saray shirkii Golaha Wadatashi Qaran lana Soo Gabagabeeyey

Waxaa lasoo gaba-gabeeyay shirkii ay magaalada Muqdisho ku lahaayeen Golaha Wada-tashiga Qaranka, kaasi oo laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban dhowr qoddob.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoominayay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana goobjoog ah 5-ta Madaxweyne Goboleed ee dalka, ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya iyo duqa magaalada Muqdisho.

Golaha ayaa waxa uu isku raacay in mudnaan gaar ah la siiyo Qabyo-tir iyo dhamaystir wakhtiyaysan oo lagu dul-dhiso guulihii horay looga gaaray dib-u-eegista Dastuurka, noqdana mid ay u-wada-dhanyihiin dhammaan heerarka Dowladda iyo qaybaha bulshada.

“Goluhu waxay ugu horeyntii u hambalyeeyeen Madaxweynaha la doortey ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud, waxayna Alle uga baryeen inuu waajibaadka qaran u fududeeyo. Goluhu wuxuu sidoo kale bogaadiyay sida dhaqsiyaha badan ee uu Madaxweynuhu isugu yeeray Golaha Wadatashiga Qaran taasoo ay ka muuqato rabitaan siyaasadeed iyo ka go’naansho dhab ah. Sidoo kale Goluhu waxay balanqaadeen inay si niyad-sami ku jirto ula shaqeynayaan Madaxweynaha.”
Waxa uu hoosta ka xariiqay Goluhu ahmiyadda ay leedahay in la dhamaystiro hannaanka amniga qaranka sida dhismaha ciidanka iyo la-dagaalanka argagaxisada.
Madaxda Golah Wada-tashiga Qaranka ayaa sidoo kale isla meel-dhigay in la helo nidaam doorasho oo mideysan iyo doorasho dimuqraadi ah oo dalka ka dhacda.
Ugu dambeyntiina waxay ku baaqeen in la mideeyo dadaalada wax looga qabanayo xaaladda abaaraha ee dalka ka taagan. Sidoo kale, Goluhu wuxu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka inay kaalin buuxda ka qaataan xaaladda abaaraha ee taagan.