Home Wararka Somaliya Jubbaland Diyaarada Ka Kacday Muqdisho oo loo Diiday jnay Ka Degto Gobalka Gedo...

Diyaarada Ka Kacday Muqdisho oo loo Diiday jnay Ka Degto Gobalka Gedo iyo Sababta oo la Shaaciyay

0

Diyaarad rakaab ah oo ka kacday garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa shalay loo diiday ina ka degto laba garoon diyaaradeed oo ku yaalla gobolka Gedo, sida ay ogaanay.

Xogtan ayaa waxaa Caasimada Online u xaqiijiyey xubno ka tirsan Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya oo codsaday inaan la magacaabin iyo mas’uuliyiin ku sugan gobolka Gedo.

Diyaaradda oo siday 30 qof oo rakaab ah ayaa ku guuldarreysatay inay ka degto garoomada Doolow iyo Luuq ee gobolka Gedo oo labadaba ay isku dayday, ayada oo sababta lagu sheegay arrimo xiriir la leh siyaasad.

Ilo-wareedyada la hadlay Warbaahinta  ayaa sheegay in sababta diyaaradda looga hor-istaagay inay degto ay aheyd inuu saarnaa Maxamed Cabdullaahi Gardhuub oo ka mid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolka Gedo.

Garduub ayaa ahaan jiray guddoomiyaha degmada Luuq ee garabka Jubaland, waxaana xilkaas laga qaaday 13-kii December 2013 kadib wareegto kasoo baxday madaxweyne ku-xigeenka labaad ee Jubaland Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud Luga-Dheere.

Illaa iyo hadda ma cadda sababta loo diidan yahay in Guurdhuub uu tago gobolka Gedo, waxaana xubnihii aan la hadalnay ay ka gaabsadeen inay faah-faahin ka bixiyaan
Ad
Previous articleSoomaliland oo Si kulul ugu Hadashay Talaabadii uu Tarsan Shalay Qaaday
Next articleDeg Deg: Taliyihii Saldhiga Degmada Qardho oo La Dilay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here