Home Wararka Somaliya Galmudug Qoor Qoor oo Ku Wajahan Magaalada Baydhabo iyo Faahfahin kasoo Baxaysa Safarkiisa

Qoor Qoor oo Ku Wajahan Magaalada Baydhabo iyo Faahfahin kasoo Baxaysa Safarkiisa

0

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa kusii jeeda Baydhabo, si uu wada hadal ula yeesho Madaxweyne Laftagareen.

Muqdisha-na Xildhibaano deegaan ah laga soo doortay Galmudug, kana soo jeeda saami qeybsiga RW Rooble ayaa kusii jeeda iyana magaalada Baydhabo, si ay ula kulmaan Madaxweyne Laftagareen.

Madaxtooyada Koonfur Galbeed-na Xildhibaanada dooran ee Koonfur Galbeed ayaa hada wada hadal la leh Odayaasha dhaqanka ee soo xulay ergadooda, oo ay kala hadlayaan arrimaha siyaasada iyo sidii go’aan masiiri ah u qaadan lahaayeen.

Qaar kamid ah xubnaha mucaaradka ayaa maalmo ka hor sheegay in laga gudbi karro xildhibaanada K/Galbeed oo doorashada iyo dhaarintaba la qaban karro, iyagoo maqan, laakiin taas ayaa hadda u muuqata mid aan socon karin.

Ad
Previous articleJoe Biden oo Soo Daliilsaday Ayaada Quraan ah iyo Axadiistii NNNKh
Next articleMarxuum Mahad Farabadan oo lagu Dilay Bartamha Magaalada Caabudwaaq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here