Home wararka Dalka Gudoomiyaha Golaha shacabka oo Ku wajahan Magaalada Baydhabo.

Gudoomiyaha Golaha shacabka oo Ku wajahan Magaalada Baydhabo.

0
SHARE

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta ku wajahan magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Koofur Galbeed, isagoo socdaalkiisa yahay kii u horeeyay, tan iyo markii loo doortay xilkan.

Warar ku dhow dhow Xafiiska Guddoomiyaha Golaha shacabka ayaa sheegaya in magaalada Baydhabo kula kulmi doono Madaxda Koofur Galbeed, Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanada uu ka soo jeedo.

Socdaalka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee magaalada Baydhabo ayaa ku soo aadaya, iyadoo magaaladaas uu shir uga socdo Madaxda dowlad Goboleedyada, kuwaasoo xilligan khilaaf kala dhaxeeya dowladda Federaalka.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal uu ka qeyb geli doono shirka Golaha Amniga Qaranka, isagoo ah Kusimaha Madaxweynaha, waxaa shirkan uu ahaa mid horay loo sii qorsheeyay oo shirka Maamul goboleedyada dhexdooda laga soo hormariyay.

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here