Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo Shaacisay Tirada Alshabaab looga Dilay Wajigii Koobaad ee Dagaalkii...

Dowlada Soomaaliya oo Shaacisay Tirada Alshabaab looga Dilay Wajigii Koobaad ee Dagaalkii Dhawaan Lagu Qaaday

0

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in guulo waa weyn ka gaartay wajiga koobaad dagaalka lagula jiro kooxda Al Shabaab, waxa ayna dowladda sheegtay in dagaalkaasi lagu jabiyay Al Shabaab loogana dilay xubno tiro badan.

Wasiirka Gaashaandhigga dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in wajiga koobaad howlgalada ka socda gobolada Hirshabelle iyo Galmudug Al Shabaab jab xooggan lagu gaarsiiyay.

Waxa uu shaaciyay wasiirka inta howlgalada ka socdeen deegaanno iyo degmooyin katirsan maamulada Hirshabelle iyo Galmudug Al Shabaab laga dilay in ka badan 3,000 oo dagaalyahan ,sidoo kale laga dhaawacay ku dhawaad 3,700  oo dagaalyahan.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sidoo kale sheegay inta howlgalka socday lagu guuleestay in la isku furo wadooyin badan oo horey u xirnaa, waxa uuna xusay in wadada isku xirta Muqdisho iyo Gaalkacyo oo 575 KM hadda la isku furay si caadi ahna loogu safri karo.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo gacan ka helayay kuwa dadka deegaanka ayaa ku guuleestay in Al Shabaab kala wareegaan degmooyin iyo deegaanno badan ay joogeen, waxaana isku furmay degmooyin iyo deegaanno badan oo horey u kala xanibnaa.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Shaaciyay Dhibaatada Haysta Dowladiisa(Sawiro)
Next articleCudur lagu jahwareersanaa oo ka jiray Tanzania oo hadda la ogaaday waxa uu yahay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here