Home wararka Dalka Akhriso Wasaarada waxbarashada Soomaaliya oo Shaacisay Tirada u fadhiisaneysa Imtixaanaadka Midaysan ee...

Akhriso Wasaarada waxbarashada Soomaaliya oo Shaacisay Tirada u fadhiisaneysa Imtixaanaadka Midaysan ee Dowlada

0
SHARE

Wasaaradda waxbarashada dalka oo ku dhawaaqday tirada ardayda u fariisaneysa sanadkaan imtixaanka dowladda ay qaadayso  iyo qaabka uu u dhacayo imtixaanadka midaysan ee Dowlada

Wasiirka Waxbarashada xukumadda fedraalka Soomaaliya C/raxmaan Daahir Cusmaan oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho aya shaacisay in imtixaanka dowlada ay sanadkaan u fadhiisanyaan 27,600 oo arday ayaa maanta Wasiirka wuxuu tilmaamay 1400 oo arday oo ku sugan magaalada Beladweyne dib loogu dhigay imtixaank dowlada, islamarkaana laga qaadi doono imtixaanka markii magaalada ay ku soo laabato sideedii hore.

Imtixaanka dowlada ayaa bilaabanaya 19-05-2018 oo ku beegan sabtiga soo socda, iyadoona lagu gali doono 120 xarumood oo ku yaala gobolka Banaadir iyo qaar ka mid ah gobolada dalka.
Wasiir Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan ayaa Sheegay in Markii ugu horeeysay Imtixaanka lagu diyaariyay gudaha dalka tan iyo burburkii Dowladdii dhexe, iyada oo markii hore ey diyaarinjirtay hayadda Waxbarashada Iyo Dhaqanka uqaabilsan Qaramada Midoobey ee UNESCO.

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here