Home galmudug Shirka Nabadeenta Beelaha Dega Waqooyiga Galgaduud oo Maanta Furmay (Sawiro)

Shirka Nabadeenta Beelaha Dega Waqooyiga Galgaduud oo Maanta Furmay (Sawiro)

0
SHARE

Shirkan oo lagu heshiisiinayo 2 beelood oo mudo colaadi ka dhex jirtay
Ayaa maanta laga daah furay deegaanka Laabo Raqas oo dhowr iyo sodon km u jira magaalada  Dhuusamareeb ee caasimada Dowlad goboleedka Galmudug

Madasha furitaanka waxaa ku sugnaa Taliyaha qeybta 21aad ee Ciidanka XDS Jen Claahi cirro
Taliyaha Ciidanka nabadsugida qeybtooda, Wuqooyiga Galgaduud Ilkacase ,
Xubno ka tirsan Gudiga Xasilinta Caabudwaaq,
Ugaas Xasan ugaas Maxamed Ugaas Nuur
Iyo boqolaal qofood oo isugu Jirtay madax dbaqameed iyo bulsho kale

Deegaanka Munaasabadu ka dhacday ayaa la keeney 100 ka mid ah dhalinyarada labada dhinac ee colaadu ka dhex jirtay kuwaasi oo si qurux badan goobta isugu marxabeeyey
Waxeyna taasi muujisey dhaqan aad u qurux badan oo tusaale muuqdo u noqdey nabada iyo ififaalaha dib u heshiisiinta

Taliska Qeybta ciidanka XDS iyo Taliska Nabad sugida galmudug ayaa soo saaray ama lagu ogeysiinayo dadka reer miyiga ah ee ku nool inta u dhexeysa Magaalooyinka Caabudwaaq Dhuusamareeb ilaa cadaado in lagala wareegi doono cidii lagu arko iyada oo Hub sidata

Sidoo kale Ugaas xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur oo ah madax dhaqameedka madasha ayaa goobta ka jeediyey khudbad dhaqameed isugu jirtay dardaaran iyo digniin
Waxa uuna u muday dhamaan dhinacyada aweydin

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here