Home Wararka Somaliya Dowlada Somaliya oo war kasoo saartay Dagaalka Muqdisho ka socda

Dowlada Somaliya oo war kasoo saartay Dagaalka Muqdisho ka socda

0

Wasiirka Amniga Soomaaliya Xasan Xundubeey Jimcaale ayaa ka hadlay dagaaladii maanta iyo caawa ka dhacay Muqdisho iyo xaalada kacsan ee ka jirtay.

Xasan Xundubeey Jimcaale ayaa beeniyay in ciidamada dowladda ay weerareen hoyga madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku yaalla xaafadda Mirinaayo ee degmada Cabdicasiis.

Xasan Shiikh ayaa ciidamada dowladda ku eedeeyey iney weerar ku soo qaadeen hoygiisa oo ku yaalla degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir halkaasoo galabta uu ka dhacay dagaal culus

Wasiirka amniga ayaa sheegtay inay soo afjareen kooxo uu sheegay in la soo abaabuley oo Muqdisho ka sameeyey falal ammaan darro, isagoo xusay iney weerarada ka dhacay Muqdisho ay soo abaabuleen dala shisheeye.

Sidoo kale, Wasiir Xundubey ayaa bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan nabadda, ayna la shaqeeyaan ciidamada amaanka.

Ad
Previous articleDowladda Soomaaliya oo caawa Weerartay Guriga Musharax C/raxmaan C shakuur
Next articleMidowga Musharixiinta Dalka oo war kasoo saaray Dagaalada Muqdisho eedeyna u jeediyay AMISOM & dowlada Turkiga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here