Home Wararka Caalamka Shirkii Tansaaniya oo Warmurtiyeed Laga Soo saaray xili Soomaaliya ay leedahay Raja...

Shirkii Tansaaniya oo Warmurtiyeed Laga Soo saaray xili Soomaaliya ay leedahay Raja sare (Akhriso)

0

Waxaa caawa soo baxay War-Murtiyeedkii Shirka Dowladaha ku bahoobay EAC oo Shalay ka furmay Caruusha Tanzania.

Shirkan oo ahaa kii 22-aad ee dowladahaan ay isku imaadaan ayaa sanadkaan Somalia si rasmi ah u dalbatay inay ku biirto Ururkaasi.

War-murtiyeedka soo baxay somalia waxaa ka quseeyay Qodobka 8aad kaasoo lagu cadeeyey in Shirweynaha uu faray golaha inay si degdeg ah u dedejiyaan ijraa’aadka iyadoo la raacayo hanaanka EAC ee xubnaha cusub ee EAC iyo soona diyaariyaan warbixin shirka xiga ee 23-aad.

waxay u muuqataa in Soomaliya la aqbalayo oo si rasmi ah ugu biiri doonto ururka EAC waxayna Soomaliya Taageere wayn ka helaysaa Kenya Uganda iyo Tanzania.

Madaxweyne Hassan Sheikh ayaa sheegay in Somalia ay u diyaarsantahay ku biirida ururka EAC.

 

Ad
Previous articleRuushka iyo Ukraine oo Magaalada Istanbul ku kala saxiixday heshiis(Sawiro)
Next articleHanaanka ay Soomaaliya uga mid noqonayso ururka EAC oo la shaaciyay iyo Madaxtooyada oo ka hadashay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here