Home Wararka Somaliya Sawiro: Ciidan kasoo Goostay Ahlu-suna oo isku soo dhiibay Maamulka Galmudug

Sawiro: Ciidan kasoo Goostay Ahlu-suna oo isku soo dhiibay Maamulka Galmudug

0

Shan dagaalyahan oo ku hubeysan qoryaha fudud ayaa isku soo dhiibay Saraakiisha ciidamada Galmudug, iyagoo ka faa’iideysanaya Cafis Madaxwaynaha Galmudug uu dhawaan u fidiyay dhalinyaradii ka barbar dagaalamay Maleeshiyada Ahlusunna ee laga saaray Guriceel.

Wasiirka dowlaha Madaxtooyada Galmudug Cumar Shido ayaa dhalinyaradan soo dhaweeyay isagoo ku amaaney go’aanka ay qaateen.

Waxaa uu intaa raaciyay in wali uu furan yahay cafiska Madaxwaynaha ayna fursadaasi ugu baaqayaan inay kawada faa’iideystaan dhalinyarada la qalday, iyadoo   dowladu u balan qaadayso in loo fasaxo mushaharkooda iyo xuquuqaadka kale.

Madaxda Galmudug ayaa maalmihii ugu dambeeyay soo dhaweeyay askar iyo saraakiil ka soo goostay maleeshiyada uu hoggaamiyo Shiikh Shaakir ee ku sugan degaanka Bohol ee Gobolka Galgaduud.

Ad
Previous articleWafdi ka socda Midowga Afrika oo Muqdisho Soo gaaray (Sawiro)
Next articleTahriibayaal Soomaali ah oo dib loogu caliyay Wadanka Turkiga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here