Home galmudug Madaxweyne Axmed Ducaalle Xagee ayuu ka taagan yahay Khilaafka Dowlada iyo Maamulada..

Madaxweyne Axmed Ducaalle Xagee ayuu ka taagan yahay Khilaafka Dowlada iyo Maamulada..

0
SHARE

Madaxwenaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo kamid ah Madaxda Maamulada isbaheysta ayaa xiligan ku dhex jira loolanka sare ee u dhaxeeya Khilaafka Dowlada iyo Madaxda Maamulada.

Madaxda Maamulada Dalka Somaliya ayaa madaxweynaha Galmudug ka codsanaya in uu ku soo biiro Qorshahooda kaasi oo ah in Dowlada imaraadka la taageero iyadoo laga soo horjeesanayo dowalada Somalia.

Qorshaha Maamulada Ayaa ah mid adag waxana  Warbaahinta mudug24 heleysaa in Madaxweyne Xaaf uu kasoo horjeedo Arinta maamul Goboleedyada doonayaan isagoo doonaya in uu dhex dhexaad ka noqdo.

Arimaha Sababta u ah Go.anka Xaaf.

Maamulada Jubbland iyo Putland midkoodna arimaha adag ugama xirno Dowlada somaliya marka lala barbar dhigo Galmudug iyo Hirshabeelle oo ah labo maamul oo madaxdooda ay gunta hoose uga xiranyihiin Magaalada Muqdisho asal ahaan iyo dhinac walbo.

Madaxweyne Xaaf ayaana khasab ku tahay in uu Dowlada Somaliya taageero ama uu dhex dhexaad ka noqdo arinta inkastoo lagu cadaadinayo in uu meel kasoo istaago khilaafka taagan.

lama oga sida uu xaalka noqon karo hase yeeshee waxay u muuqataa in uu madaxweyne xaaf ku dag dageen arinta labada dhinac

Mudug24 Muqdisho

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here