Home Wararka Maanta Puntland oo si adag uga hortimid go’aankii dhawwaan Dowlada Soomaaliya kasoo baxay...

Puntland oo si adag uga hortimid go’aankii dhawwaan Dowlada Soomaaliya kasoo baxay ee Tiktok, Telegram iyob1XBET

0

Dowlad goboleedka Puntland ayaa si adag uga hortimid go’aankii dhawwaan kasoo baxay wasaaradda wasaaradda Isgaarsiinta xukuumadda Soomaaliya oo ku aadanaa in dalka laga mamnuucayo isticmaalka baraha Tiktok,Telegram iyo 1Xbet.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa sheegay in aysan Puntland waxba ka khusayn go’aanka kasoo baxay xukuumadda Soomaaliya ee fadhigeydu yahay Muqdisho.

Waxa uu sheegay wasiirka in shirkadaha isgaarsiinta ee ka jira Puntland aysa fulin karin go’aannada kasoo baxay xukuumadda Soomaaliya, waxa uuna cadeeyay in barahan bulshada ay sidoodii uga shaqeenayaan deegaannada Puntland.

“Kuma khasbana shirkadaha Isgaarsiinta Puntland  in ay fuliyaan go’aanka xukuumadda Soomaaliya mana fulin karaan amarada Magaalada Muqdisho ka soo baxay” ayuu yiri wasiirka Warfaafinta Puntland Eng Maxamuud Caydiid Dirir.

Ad
Previous articleWasaaradda arrimaha Dibedda ee dalka Sudan oo Soo Saartay go’aan lala fajacay
Next articleAskari Dilay Bajaajle oo Asaga raba inu Baxsado La Qabtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here