Home puntland Dhageyso Madaxweynaha Puntland oo si kulul u weeraray Xubnaha Aqalka Sare ugu...

Dhageyso Madaxweynaha Puntland oo si kulul u weeraray Xubnaha Aqalka Sare ugu jira ee Faroole iyo Cumar Cabdi Rashiid..

1
SHARE

C/wali Maxamed Cali Gaas dhaliil xoogan u jeediyey xubnaha Puntland ku metela aqalka Sare oo uu ku eedeeyey wax qabad la’aan iyo iney ka soo bixi waayeen kaalintii looga baahnaa.

Gaas ayaa hadalkan ka jeediyey shir looga hadlayey dastuurka dalka oo ka furmay Garowe wuxuuna intaas ku daray in sanadkii 2011-kii markii Dastuurka la sameynayay, maamulka keliya ee ku doodayay in la dhiso Aqalka Sare in uu ahaa Puntland balse taas aysan wax ka faaiidin.

“Lama rabin in la dhiso Aqalka Sare, waan qasabnay, laakiin hada waxba nama tarin, wax hadda uu noo soo kordhiyay ma jirto, Dagaal baan waxaan ku galnay inaan helno 11 xubnood, maadaama Dowlad Goboleedyada kale ay leeyihiin min 8 xubnood.” ayuu yiri Gaas.

Wuxuu sheegay inuu ku taliyay xubnaha Aqalka Sare ee Puntland inay u doortaan dad khibrad siyaasadeed leh isagoo tusaale u soo qaatay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid iyo Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole, balse waxaa uu sheegay iney gabeen howlihii Puntland u dirsatay haddana aanay meel ku sheegin.

Halkan Hoose ka Dhageyso Codka Gaas.

Loading...

1 COMMENT

  1. Farmaaajo waa inuu ka soo baxaa waajibkiisa ah inuu xakameeyo Daaroodka. Kheyre wuu fuliyay qeybtiisa oo waa kan edbiyay oo hoggaan baray Hawiyaha Muqdisho deggan.
    Haddaba Farmaajo ayaa looga fadhiyaa inuu isaguna edbiyo Daaroodka Puntland iyo Gedo (Axmed Madoobe iyo Cabdiweli Gaas). Haddii uusan ka soo dhalaali
    karin hawshaas, dee ha iska tago oo ha dego Tumaalo Badan-tii Goboilka Gedo
    taasoo uu asal ahaan ka soo jeedo.

    Samaale isagaa u tashan doona dhulkiisa.
    “Daaroodna doomankiisa” saar ahaa.

    Farmaajo must realize that Prime Minister Hassan Ali Kheyre is tirelessly working to bring peace, law and order to Mogadishu– seat of the Samaale clan.

    Instead of talking about issues he does not understand (workers’ rights, etc.), Farmaajo must bring the Daarood enclaves of Jubbaland and Puntland back to the Government fold.

    If Farmajo fails in that undertaking, Prime Minister Kheyre will simply cease to preach law and order to the huge Samaale clan. And Farmaajo will have to flee Mogadishu rather hurriedly.

    For who is today sabotaging the Government: the Daarood weaklings or the Samaale/Hawiye/Hiraab clan?

    It is Ahmed Madobe and Abdiweli Gaas that are sabotaging the Government. And both happen to belong to the minority Daarood clan.

    Farmaajo must either deliver his part of the tacit partnership agreement (Prime Minister Hassan Ali Kheyre, delivered his part — pacifying the Hawiye).

    Now it is Farmaajo’s turn. He must either pacify Puntland and Jubbaland (Abdiweli Gas and Ahmed Madoobe) or expeditiously move his ass to Tumaala Badan in Gedo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here